Rayidka lagu “laayay” Ukraine oo la soo bandhigay

Image
Shirkada Facebook ayaa ka mamnuucday warbaahinta dowladda Ruushka in ay xayeysiis.

KYIV, Ukraine – Dowladda Ukraine oo maalinkii 3aad dagaal xooggan kula jirta ciidanka Ruushka ayaa sheegtay in 198 qof oo rayid ah lagu dilay duulaanka Ruushku qaaday dalkaas maalintii Khamiista halka dhaawucu kun kor u dhaafay.

Wasiirka caafimaadka ee Ukraine ayaa sheegay in 198 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan saddex carruur ah, ay ilaa hadda dileen ciidamada Ruushka.

"Nasiib darro, marka loo eego xogta qalliinka, gacanta kuwa soo duulay waxaan ku haynaa 198 dhimasho ah, oo ay ku jiraan 3 carruur ah, 1,115 dhaawac ah, oo ay ku jiraan 33 carruur ah," Wasiirka caafimaadka Viktor Lyashko ayaa ku qoray Facebook.

Dad aad u tiro badan ayaa isugu soo baxay saldhigyada tareenada ee Kyiv si ay uga baxsadaan magaalada iyadoo ciidamada Ruushka ay sii wadaan weerarada ay ku hayaan Ukraine.

"Waxaan isku daynay inaan baxno maalinta oo dhan ilaa saaka, laakiin sida aad arki karto waa wax aan macquul ahayn," gabadh yar oo ku sugan saldhigga tareenka ayaa u sheegtay Al Jazeera.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay rasaas cirka u rideen si ay dadka u kala eryaan.

In ka badan 100,000 oo qof ayaa horay u soo gaaray dalalka deriska ah - tiradaas oo Qaramada Midoobay ay ku qiyaastay in ay kor u kacdo ilaa shan milyan.

Wararka ugu waawayn ee xiisada

  • Dagaallo ayaa ka socda waddooyin ah ee magaalada caasimadda ah ee Kyiv, iyadoo xalay ay ka dhaceen rasaas xooggan iyo qaraxyo.
  • Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenkskyy ayaa ballan qaaday inuusan is dhiibin oo uu sii wadi doono dagaalka uu ku difaacayo dalkiisa.
  • Ciidamada Ruushka ayaa sheegay in ay la wareegeen magaalada Melitopol ee dalka Ukraine ay burburiyeen xarumaha militariga ee dalkaas gantaalada badda iyo hawada.
  • Maraykanka ayaa sheegay in uu cunaqabatayn doono madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo wasiirka arrimaha dibadda Sergey Lavrov.
  • Shirkada Facebook, ayaa ka mamnuucday warbaahinta dowladda Ruushka in ay xayeysiis ama lacag ka sameeyaan barteeda sababo la xiriira dagaalka gardarada ah.
  • Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan 50,000 oo reer Ukraine ah ay u qaxeen dalal kale tan iyo markii uu dagaalku billowday.

Shaqaalaha safaaradda Ukraine ee Moscow ayaa loo daad gureynaya Latvia, wasaaradda arrimaha dibadda Latvia ayaa sidaas u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

"Waxay ahayd codsigoodii, si deg deg ah ayaanu u aqbalnay. Waxaan ka caawinaynaa geeddi-socodka waxaanan ka caawinaynaa dejinta,” af hayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Latvia Janis Bekeris ayaa yiri. Wuxuu ka gaabsaday inuu sheego in shaqaalaha safaaradda ay mar hore gaareen Latvia iyo in kale, isagoo u sababeeyay arrimo amni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dad badan oo ku dhintay Dab Ka Kacay Hoteel Ku Yaalla Turkey

Dabka ayaa ka bilowday qiyaastii 3:30 subaxnimo qaybta makhaayadda ee hoteelka, waxaana la baarayaa sababta dabka ka dambeysa.

  • Caalamka

    21-01-2025

  • 02:32PM

Jariidada New York Times oo Ka Digtey Isticmaalka Cabsida ee Donald Trump si uu u Adkeeyo Xukunkiisa

Trump ayaa caan ku ah adeegsiga cabsi si uu u cabsi geliyo mucaaradka…

  • Caalamka

    21-01-2025

  • 08:57AM