Recep Erdogan oo booqasho naadir ah ku tagay Imaaraadka

Image
Waa booqashadiisii ​​ugu horreysay ee Erdogan uu ku tago dalkan dhaca Khaliijka muddo ku dhow toban sano.

WASHINGTON, USA - Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa maanta oo Isniin ah gaaray magaaladda Abu Dhabi ee caasimadda dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Imaaraatka, waa booqashadiisii ​​ugu horreysay ee Erdogan uu ku tago dalkan dhaca Khaliijka muddo ku dhow toban sano.

"Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii kusoo gaarey Imaaraadka booqasho laba maalmood ah," sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee WAM.

Warbixinta wakaaladda oo aan la socon tafaasiil dheeri ah ayaa waxaa la raaciyey: "Waxaa qaabilay Sheikh Mohammed bin Zayed Al-Nahyan, oo ah dhaxal sugaha Abu Dhabi".

Ka hor inta uusan ka soo duulin Turkiga, Erdogan ayaa sheegay in uu rajaynayo in booqashadiisa ay horumariso "awoodda weyn" ee ganacsiga u dhexeeya dalalka.

Imaaraadka oo cilaaqaad wanaagsan uusan kala dhaxeyn xukuumadda Ankara waa suuq dhaqaale oo muhiim u ah Turkiga, waxaana ku nool muwaadiniin badan oo Turki ah.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in booqashadii hore ee Sheikh Mohammed ku tagay dalka Turkiga ay astaan u ahayd "waji cusub" oo u bilowdey xiriirka ka dhexeeya labadda dowladood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM