Roman Abramovich oo kasoo dhex muuqday wadahadalladii Ruushka iyo Ukraine
ISTANBUL- Maalqabeenka u dhashay dalka Ruushka, Roman Abramovich ayaa kasoo dhex muuqday wada-hadalladii u dhaxeeyay dalkiisa iyo Ukraine ee ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Abramovich ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay isku dayayey in uu dhexdhexaadiyo labada dhinac, isaga oo u kala gooshayay Moscow iyo Kyiv.
Warar soo baxaya ayaa sheegay in asaga iyo laba ka mid ah ergada wadaxaajoodka ku matalayse Ukraine ay ka muuqatay astaamo muujinaya in ay waxyeelo kasoo gaartay dagaalka ka socda dalka Ukraine.
Milkiilaha kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa la sheegay in ay indhaha wax ka gaareen maqaarkana dillaacay balse hadda uu ka soo kabtay.
Warar ayaa sheegaya in isaga iyo ergada Ukraine ay bartilmaameedsadeen kooxaha mayalka adag ee Ruushku, weerarkaas oo ka dhacay magaalada Kyiv 3-dii bishii Maarso.
Sarkaal ka tirsan madaxtooyada Ukraine ayaa markii dambe sheegay in labada qof ay wanaagsan yihiin.
Afhayeenka madaxtooyada Ruushka Dmitry Peskov ayaa warbixinta ku sheegay in wararka sheegaya waxyeelada soo gaartay wafdigii Ukraine aysan run ahayn.
Wasiirka arrimaha dibadda Ukraine, Dmytro Kuleba, ayaa u sheegay Telefishinka qaranka saacado ka hor wadahadalka in uu kula taliyey asxaabtiisa ka qayb galaya wada xaajoodka Ruushka inaysan wax cunin ama cabbin.
Wakaaladda wararka ee Ria Novosti ayaa baahisay sawir muujinaya Mr Abramovich oo la hadlaya madaxweynaha Turkiga iyo wasiirka arrimaha dibadda Mevlut Cavusoglu.
Waxuu sidoo kale kasoo muuqday telefishinka Turkiga isaga oo xiran sameecadaha tarjumaadda waxaana garab fadhiyay Ibrahim Kalin oo ah afhayeenka madaxweynaha Turkiga.
Si toos ah uma cadda doorka Roman Abramovich ee wadaxaajoodka, inkastoo warbaahinta Ukraine ay sheegtay in uu halkaas u joogo si dhexdhexaad ah.
Afhayeenka Kremlin-ka ayaa dhinaciisa carabka ku adkeeyay inuusan ahayn xubin rasmi ah oo ka tirsan wafdiga Ruushka ee ku sugan Istanbul balse uu ku lug lahaa suurtagelinta qabsoomidda kulanka.
Safiirka Ukrain u fadhiya dalka Ingiriiska, Vadym Prystaiko ayaa si kulul uga hadlay joogitaankiisa Istanbul waxa uuna yiri, "Wax jawaab ah uma hayo waxa uu Mr Abramovich sheeganayo ama ka samaynayo halkaas, isagu kama mid aha kooxda wada xaajoodka."
Dowladda Turkiga ayaa isbuucii tagay sheegtay in ay imaan karaan dalkeeda maalqabeenada u dhashay Ruushka ee reer galbeedka kusoo rogeen cunaqabateynta.
Doonta maalqabeenkan ee Eclipse ayaa la sheegay in maalmihii u danbeeyay lagu arkayay dekedda Marmaris ee dalka Turkiga.
GAROWE ONLINE