Rusuhka oo liis madow ku daray 500 qof uu ku jiro Barack Obama

Image
Talaabadan ayaa waxay jawaab u tahay cunaqabateyn cusub uu Mareykanka saarey Moscow.

MOSCOW, Russia - Ruushka ayaa sheegay inay dalkooda ka mamnuuceen inay galaan 500 oo muwaadiniin Maraykan ah oo uu ku jiro madaxweynihii hore ee Barack Obama, taasoo jawaab u ah cunaqabataynta ay Washington kusoo rogtay.

"Iyadoo laga jawaabayo cunaqabateynta ka dhanka ah Ruushka ee uu si joogto ah u soo rogay maamulka Biden... gelitaanka Ruushka wuxuu ka xiran 500 qof oo Mareykan ah," ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda oo lagu faafiyey ciwaanadeeda baraha bulshadda ayaa waxa uu intaas ku dartay in Obama uu ka mid yahay dadka liiska ku jira.

Dhanka kale, Mareykanka ayaa soo bandhigay boqollaal cunaqabateyn cusub oo ka dhan ah Ruushka oo ay weheliyaan saaxiibadiisa caalamiga ah, iyagoo doonaya in lagu ciqaabo Moscow dagaalka socda ee ka dhanka ah Ukraine.

Ganaaxyada dhaqaale waxay soo jiitaan hay'ado badan oo Maraykan ah, oo ay ku jirto Waaxda Maaliyadda oo liiska madow ku dartay 22 qof iyo 104 hay'adood oo hawlo ka haya in ka badan 20 waddan iyo maxkamadaha iyagoo isku dayaya inay sii xakameeyaan dadaallada looga baxsanayo cunaqabataynta Mareykanka ee hadda jirta.

"Laga soo bilaabo bilawgii dagaalka sharci darada ah ee madaxweyne Putin, isbahaysigeena caalamiga ah wuxuu diiradda saaray taageerada Ukraine isagoo hoos u dhigaya awoodda Ruushka ee duullaanka," ayay xoghayaha maaliyadda Janet Yellen ku tiri hadal ay soo saartay.

Moscow iyo Washington ayaa xifaaltan diblumaasiyadeed uu ka dhaxeeyaa muddo sanado ah waxaana sii huriyey duulaanka Putin ku qaadey Ukraine kaasoo galaaftey nolosha boqolaal kun oo ruux ayna ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi kasii badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Serbia: Xiriirka Yurub iyo Mareykanka wuxuu gaarey meeshii ugu xumayd

Warbixinno cusub ayaa sidoo kale xaqiijinaya in Mareykanka uu qorsheynayo in uu kala baxo ku dhowaad 5,000 oo askari oo ku sugnaa Jarmalka.

  • Caalamka

    03-05-2026

  • 12:27PM

Boqorka Bahrain oo Iran ugu baaqay inay joojiso faragelinta dalalka Khaliijka

Boqorka ayaa sidoo kale digniin culus u diray dadka u dhashay dalkiisa ee la shaqeeya cadawga shisheeye.

  • Caalamka

    02-05-2026

  • 11:51AM