Ruushka iyo Ukraine oo ganafka ku dhuftey hindise loo jeediyay

Image

MOSCOW, Russia - Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa diiday hindise nabadeed oo Sabtidii ay u keeneen wafdi ka socda madaxda Afrika oo rajaynayay in la soo afjaro dagaalka Ruushka ee Ukraine.

Hogaamiyayaasha toddobo dal oo Afrikaan ah ayaa u sheegay in dagaalka Putin uu dhibaato ku yahay caalamka oo dhan. Wafdiga ayaa la kulmay Putin maalin kadib markii ay la kulmeen madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy.

Labada hoggaamiye ayaa tilmaamay in qorshahan uu yahay mid aan socon karin.

Putin ayaa wadahadallada Sabtidii la furay wakiillo ka socda Comoros, Congo Republic, Masar, Senegal, South Africa, Uganda iyo Zambia oo ka dhacay qasri u dhow St.

Balse madaxweynaha Ruushka ayaa diiday qorshaha nabadeed ee wafdiga ee ku saleysan aqbalaadda xuduudaha Ukraine ee caalamku aqoonsan yahay.

Waxa uu ku celceliyay mawqifkiisii ahaa in Ukraine iyo xulafadeeda reer galbeedka ay mas’uul ka ahaayeen iskahorimaadka ka hor intii aanu Ruushku ku duulin Ukraine bishii Febraayo 2022.

Putin ayaa sidoo kale sheegay in reer galbeedku ay mas'uul ka yihiin sare u kaca qiimaha cuntada adduunka, taas oo si aad ah u saameeyay Afrika.

GO + VOA

Related Articles

Haweeneydii Ugu Horreysay oo Ra’iisul Wasaare ka Noqotay Nepal Kaddib Kacdoonkii Ka Dhanka Ahaa Musuqmaasuqa

Maalintii Talaadada, dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal dowladeed iyo xarunta baarlamaanka.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:34AM

XOG CUSUB: Halkee Israel kasoo qaadey weerarkii ay ka fulisay Qatar?

Sida laga soo xigtay saraakiil sare oo Mareykan ah, weerarka waxaa fuliyay 12 diyaaradood oo dagaal oo Israa’iili ah—8 F-15 ah iyo 4 F-35 ah.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:01AM