Ruushka iyo Ukraine oo ganafka ku dhuftey hindise loo jeediyay

Image

MOSCOW, Russia - Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa diiday hindise nabadeed oo Sabtidii ay u keeneen wafdi ka socda madaxda Afrika oo rajaynayay in la soo afjaro dagaalka Ruushka ee Ukraine.

Hogaamiyayaasha toddobo dal oo Afrikaan ah ayaa u sheegay in dagaalka Putin uu dhibaato ku yahay caalamka oo dhan. Wafdiga ayaa la kulmay Putin maalin kadib markii ay la kulmeen madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy.

Labada hoggaamiye ayaa tilmaamay in qorshahan uu yahay mid aan socon karin.

Putin ayaa wadahadallada Sabtidii la furay wakiillo ka socda Comoros, Congo Republic, Masar, Senegal, South Africa, Uganda iyo Zambia oo ka dhacay qasri u dhow St.

Balse madaxweynaha Ruushka ayaa diiday qorshaha nabadeed ee wafdiga ee ku saleysan aqbalaadda xuduudaha Ukraine ee caalamku aqoonsan yahay.

Waxa uu ku celceliyay mawqifkiisii ahaa in Ukraine iyo xulafadeeda reer galbeedka ay mas’uul ka ahaayeen iskahorimaadka ka hor intii aanu Ruushku ku duulin Ukraine bishii Febraayo 2022.

Putin ayaa sidoo kale sheegay in reer galbeedku ay mas'uul ka yihiin sare u kaca qiimaha cuntada adduunka, taas oo si aad ah u saameeyay Afrika.

GO + VOA

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM