Ruushka iyo Ukraine oo is-weedaarsadey weeraro nooc cusub ah

Image
Tani ayaa kusoo hagaagaysa iyadda oo duullaanka Ruushka ee Ukraine uu soo jiitamayo bishii 18-aad.

MOSCOW, Russia - Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhaawacmay waxaana si ku meel gaar ah loo xiray isu socodkii garoonka diyaaradaha ee Moscow subaxnimadii Axadda markii saddex dayuuradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ay weerareen caasimadda Ruushka, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta maxalliga ah.

Waxay ahayd isku daygii afraad ee duqeyn lagu sameeyo caasimadda bishan iyo kii saddexaad ee toddobaadkan, taasoo sii hurinaysa walaaca laga qabo u nuglaanshaha Moscow ee weerarrada iyadoo duullaanka Ruushka ee Ukraine uu soo jiitamayo bishii 18-aad.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa dhacdadan ku tilmaantay "isku day argagixiso oo uu sameeyay maamulka Kyiv" waxayna sheegtay in saddex diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayni ay bartilmaameedsadeen magaalada.

Mid kamid ah ayaa lagu toogtay gobolka Moscow ee ku xeeran nidaamka difaaca hawada laba kalena waa la jaambiyey. Labadaas diyaarad ayaa ku dhacay xaafadda ganacsiga ee magaalada Moscow.

Weerarkan ayaa daba socday habeen la sheegay in ay duqeymo ka geysteen diyaaradaha aan duuliyaha ee ay kala leeyihiin ciidamadda cirka ee Ruushka iyo Ukraine.

Moscow ayaa Axaddii ku dhawaaqday in ay fashilisay weerar uu ciidanka Ukraine ku doonayay in uu ku qaado Crimea oo uu Ruushku la wareegay, iyaga oo soo riday 16 diyaaradood oo aan duuliye lahayn, siddeed kalena ka takhalustay hab elektaroonig ah. Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay, sida ay sheegeen saraakiisha.

Weerar kale oo dhacay 4-tii Luulyo, millatariga Ruushka ayaa sheegay in afar diyaaradood oo aan duuliye lahayn lagu soo riday duleedka Moscow, halka mid shanaadna lagu xiray hab dagaal oo elegtaroonig ah, laguna qasbay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM