Ruushka oo aqbalaya in Bitcoin looga iibsado Saliida iyo Gaaska

Image
Tani ayaa si cad u xaddidaysaa suurtagalnimada lacag-bixinta iyadoo la isticmaalayo Bitcoin.

MOSCOW, Russia - Sida uu sheegay xildhibaan sare, Ruushka ayaa ka fiirsanaya in uu Bitcoin u isticmaalo dhoofinta saliida iyo gaaska. Pavel Zavalny ayaa sheegay in wadamada saaxiibada ah loo ogolaan karo in ay ku bixiyaan lacagta crypto currency ama lacagaha maxaliga ah.

Horraantii toddobaadkan, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu sheegay inuu doonayo in dalalka "aan saaxiibka la ahayn" ay gaaskooda ku iibsadaan lacagta Ruushka ee Rouble-ka.

Talaabadan ayaa la fahansan yahay in looga golleeyahay sare u qaadida lacagta Ruushka oo sanadkan lumisay in ka badan 20% qiimihii ay dunida ka joogtay.

Cunaqabateynta ay ku soo rogeen Mareykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub, kadib duulaankii Ukraine, ayaa culeys saartay lacagta Ruushka, iyadoo sidoo kale sare u qaaday maciishada dalka. Si kastaba ha ahaatee, Ruushka ayaa weli ah kan ugu weyn ee dhoofiya gaaska dabiiciga ah iyo kan labaad ee ugu sareeya soo saarista saliidda.

Madaxa guddiga tamarta gobolka Duma, Mr Zavalny ayaa sheegay Khamiistii in waddanku uu sahminayay habab kale oo lagu badali karo lacag-bixinta dhoofinta noocyada tamarta.

Wuxuu sheegay in Shiinaha iyo Turkiga ay ka mid yihiin wadamada saaxiibada la ah Moscow kuwaas oo aan ku lug lahayn cadaadiska cunaqabateynta. "Waxa aanu u soo jeedinaynay Shiinaha muddo dheer xal u helidda lacagaha Roubles iyo Yuan," ayuu yidhi Mr Zavalny.

"Turkiga isna waxa uu isticmaali doonaa Lira iyo Rouble, sidoo kale waxaad ku ganacsan kartaa bitcoins," ayuu sii raaciyay. Lira iyo Yuan ayaa ah lacagaha laga kala isticmaalo wadamada Turkiga iyo Shiinaha.

Khatarta ka dhalan karta

Inkasta oo la aaminsan yahay in ay khatarro badan horseedi karto, haddana falanqeeyayaasha ayaa sheegay in laga yaabo Ruushka in uu ka faa’iidaysto aqbalidda crypto currency.

David Broadstock oo ah cimli-baare ka tirsan Machadka daraasaadka tamarta ee Singapore ayaa yiri, “Ruushka si dhaqsi ah ayuu u dareemayaa saameynta cunaqabateynta waxaana jirta baahi loo qabo in kor loo qaado dhaqaalaha.”

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay in qiimaha Bitcoin uu kor u kacay ilaa 30% sanadkan. Mr. Broadstock ayaa sidoo kale sheegay in haddii lacagta Bitcoin la aqbalo oo laga doorbido lacagaha caadiga ah ay u horseedi karto khatarro badan ganacsiga gaaska dabiiciga.

Intaa waxaa dheer, Shiinaha oo ah saaxiibka ugu weyn uu xiriir ganacsi la leeyahay Ruushka ayaa mamnuucay lacagaha maxaliga ah ee crypto currencies in lagu dhex isticmaalo wadankiisa.

Tani ayaa si cad u xaddidaysaa suurtagalnimada lacag-bixinta iyadoo la isticmaalayo Bitcoin.

Waxaa laga cabsi qaba dowladda Ukraine, siyaasiyiinta Mareykanka iyo midowga Yurub in ay waydiistaan shirkadaha ku shaqada leh {crypto currency platforms} inay ka mamnuucaan dadka kasoo jeedo Ruushka.

Madaxa fulinta ee shirkadda cryptocurrency, Brian Armstrong ayaa yiri, "Qaar ka mid ah dadka Ruushka waxay u isticmaalayaan crypto sida nolol-maalmeedka, haddana lacagtoodii ayaa burburtay."

"Qaar badan oo iyaga ka mid ah waxay u badan tahay in ay ka soo horjeedaan waxa waddankooda uu sameynayo, mamnuucidduna sidoo kale way dhaawici doontaa iyaga," ayuu raaciyay.

Arbacadii, faallooyinka Mr Putin ee ku saabsanaa wadamada aan “saaxiibka la ahayn” in ay wax ku iibsadaan rouble-ka ayaa horseeday inay lacagta sare u kacdo saddex toddobaad.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jiro heshiisyo gaas oo horey u dhacay kuwaas oo lagu saxiixay ku iibsiga lacagta Yuuro mana cadda in Ruushka uu badali karo taas iminka. Wadamada Yurub ayaa 40% ku tiirsan gaaska Ruushka ayagoo qaar ka mid ah doonaya in ay u wareegaan dhanka Sacuudi Carabiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo 100-200 oo Go'aano Culus ah Laga Filayo Maalinta ugu horeysa uu Xafiiska la wareego

Waxaa la filayaa in tallaabooyinkan ay ka abuuri doonaan dood ballaaran oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 07:28AM

Falastiiniyiinta oo farxad ku jira iyo Isra’il oo sii daysay 90 Maxbuus

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 05:41AM