Ruushka oo bilaabaya "qorshe uu ku ciqaabayo" maxkamadda ICC

Image
Maxkamadda fadhigeedu yahay Hague ayaa dhawaan soo saartay amar lagu soo xirayo madaxweyne Vladimir Putin.

MOSCOW, Russia - Ruushka ayaa hindisaya sharci mamnuucaya dhaq-dhaqaaqyada Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ee dalkaas, sidda uu iclaamiyey guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka waddankaas ee loo yaqaano Duma State.

"Waa lagama maarmaan in la horumariyo wax ka beddelka lagu mamnuucayo dhaqdhaqaaq kasta oo ICC ee dhulkeenna, iyo sidoo kale ciqaabta wixii kaalmo ama taageero ah ee ICC," ayuu yiri Vyacheslav Volodin, afhayeenka Aaqalka Hoose ee baarlamaanka Ruushka.

Maxkamadda fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa dhawaan soo saartay amar lagu soo xirayo madaxweyne Vladimir Putin oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ka dhacay dalka Ukraine.

Iyadoo Kyiv iyo xulafadeeda reer galbeedka ay soo dhaweeyeen tallaabadan, Ruushka ayaa diiday go'aanka, isagoo sheegay inaysan aqoonsanayn awoodda maxkamadda ICC oo ay u aragto xukunkeeda "mid aan waxba ka jirin."

Si uu u taageero soo jeedintiisa, Volodin waxa uu soo xigtay sharci lagu ansixiyay Maraykanka 2002, kaas oo xeerinaya in muwaadin Maraykan ah ama xulafadooda aan lagu xiri karin ama lagu hayn karin waaranka ICC.

Volodin waxa uu xusay in sharcigu xitaa u fasaxayo Maraykanka in uu bilaabo hawlgal millatari oo lagu badbaadinayo qof kasta oo ka tirsan millatariga Maraykanka, sarkaal, ama siyaasi kasta oo ay qabato ICC.

Siyaasigan aadka u taabacsan Putin ayaa sidoo kale waxa uu ku baaqay "heshiisyo laba geesood ah oo lala galo wadamada saaxiibada ah si loo diido iskaashiga iyo caawinta ICC".

"Taliyaha ugu sarreeya Ruushka waa inuu sidoo kale xaq u leeyahay inuu qaado tallaabo kasta oo lagu ilaalinayo muwaadiniintayada go'aamada ay gaaraan hay'adaha caalamiga ah ee ka hor imaanaya xeerarka dastuuriga ah ee Ruushka," ayuu kusoo xiray hadalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM