Ruushka oo duulaanka Ukraine "uga geeriyootey 20-kun askari ah"

Image
Mareykanka oo tiraddan shaaciyey ayaa ka gaabsadey waxyeeladda soo gaartey Ukraine.

WASHINGTON, USA - Ruushka waxaa soo gaaray khasaaro 100,000 dhaawaca askar ah iyo dhimashada 20,000 kale tan iyo markii uu sii xoogeystay dagaalka ka socda gobolka Donetsk ee Ukraine bishii Diseembar, sida lagu sheegay qiyaas uu sameeyay Aqalka Cad.

Afhayeenka Golaha Ammaanka Qaranka ee Aqalka Cad, John Kirby, ayaa Isniintii sheegay in tiradaasi ay salka ku hayso xog sirdoon cusub oo Maraykanka oo dhawaan la shaaciyey. Ma uusan faah faahin sida ay sirdoonka u soo saaraan lambaradan.

Kirby waxa uu intaa ku daray in kala bar dadka la dilay ay ahaayeen askar ay qorteen kooxda gaarka ah ee Wagner Group ee calooshood u shaqeystayaasha ah, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay kasoo kaxeysteen xabsiyada Ruushka.

Dagaaladii ugu qaraaraa ee ka dhacay gobolka bari ayaa ahaa agagaarka magaalada Bakhmut, halkaasoo Wagner iyo ciidamada kale ay guri guri kula dagaalamayaan ciidamada Ukraine.

Afhayeenku wuxuu sheegay in Aqalka Cad uusan bixinaynin qiyaasaha khasaaraha Ukraine sababtoo ah "iyagu waa dhibbanayaasha halkan. Ruushku waa midka gardaradda wadda."

Madaxa ciidamada dhulka ee Ukraine, Oleksandr Syrskyi, ayaa shaaca ka dhigay in Ruushku uu sii waddo "dadaalkiisa ugu badan" ee uu ku doonayo inuu ku qabsado Bakhmut, balse uu ilaa hadda ku guuldareystay.

“Deegaano magaalada ka mid ah ayaa cadowga ay weerar rogaal celis ah ku qaadeen cutubyadeenna, waxayna ka tageen fariisimo,” ayuu yiri, sidda ay kasoo xigatay warbaahinta gudaha.

Difaaca cirka ee Ukraine ayaa burburiyay 15 ka mid ah 18 gantaal oo uu Ruushku riday, balse weeraro gantaallo ah oo lagu qaaday bariga magaalada Pavlohrad ayaa dilay laba qof, 40 kalena waa lagu dhaawacay, sidda uu Isniintii sheegay madaxweyne Volodymyr Zelenskyy.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khamenei oo Putin Ka Dalbaday Taageero Kadib Weerarka Maraykanku ku Qaaday Iran

Inkastoo Putin uu cambaareeyay duqeymaha Israa’iil, haddana weli kama hadlin weerarradii Mareykanka.

  • Caalamka

    23-06-2025

  • 12:34PM

Dagaalka Bariga Dhexe oo cirka isku shareeray markii Mareykanka ku biiray - Warbixn

Iran ayaa sheegtay in ay tirada dhimashada ee dalkaasi ka dhacday ay kor u dhaaftay 430 qof, halka dhaawacyadu ay gaarayaan 3,500.

  • Caalamka

    23-06-2025

  • 05:49AM