Ruushka oo fariin cabsi galin ah u diray caalamka

Image
Putin ayaa sheegay in go’aankiisa uu yimid kadib markii quwadaha NATO ay soo saareen “hadallo gardarreysi ah”.

MOSCOW, Russia – Wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka Sergey Lavrov ayaa ka digay in haddii uu qarxo dagaalka saddexaad ee adduunka, uu noqon doono mid la isku adeegsado hub Nukliyeer ah oo lagu hoobto, taas oo loo fasirtay fariin cabsi galin ah oo loo diray aduunka.

Hadalkaan ayuu ku sheegay waraysi uu siiyay wakaaladda wararka Ruushka ee RIA maalin kadib markii Lavrov uu shirka hub dhigista ee Geneva, oo uu uga qeyb galay hab fogaan arag ah, ka sheegay in dalka Ukraine, oo Russia ay ku duushay toddobaadkii tegay, uu raadinayo hub Nukliyeer ah.

Lavrov ma bixin wax caddeymo ah marka laga reebo inuu yiri “Ukraine waxay weli haysataa taknoolajiyaddii Nukliyeerka ee Soviet-ka, waxaana ka go’an inay soo saarto hub nocoaas ah.”

Wasiirka arrimaha dibedda ayaa sidoo kale sheegay in Russia ay wajihi doonto “halis dhab ah” haddii Ukraine ay hesho hub Nukliyeer ah.

Ruuska ayaa Ukraine ku qaaday duulaan dhul, cir iyo bad ah Khamiistii tagtay, kaasi oo ahaa duulaankii ugu weynaa ee dal Yurub ah uu ku qaado dal kale oo Yurub ah, tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Tallaabadan ayaa waxaa ka jawaabay dalalka Reer Galbeedka, oo xayiraado dhaqaale oo xooggan saaray Ruushka, sidoo kalena Ukraine siiyey gargaar hub ah iyo mid bani’aadamanimo.

Dowladda Mareykanka ayaa Talaadadii ku dhowaaqday inay hawadeeda ka mamnuucday dhammaan duulimaadyada Ruushka, kadib markii tallaabo taas la mid ah ay qaadeen Midowga Yurub iyo Canada.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Axaddii wuxuu heegan geliyey ciidamadiisa Nukliyeerka, taasi oo cabsi ka abuurtay dunida, sarena u qaaday in xiisadda ay hoggaamin karto dagaal Nukliyeer ah.

Putin ayaa sheegay in go’aankiisa uu yimid kadib markii quwadaha NATO ay soo saareen “hadallo gardarreysi ah” ayaga oo sidoo kalena Ruushka saaray cunaqabateeno xooggan.

Sida ay sheegayaan daraasado caalami ah, Russia ayaa haysata hubka Nukliyeer ee ugu badan caalamka, waxaana la qiyaasaa inuu yahay 6,255 oo madax, halka Mareykanka uu ka haysto 5,550, waxaana ku xigay China iyo France oo kala haysta 350 iyo 290, sida ay u kala horreeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dad badan oo ku dhintay Dab Ka Kacay Hoteel Ku Yaalla Turkey

Dabka ayaa ka bilowday qiyaastii 3:30 subaxnimo qaybta makhaayadda ee hoteelka, waxaana la baarayaa sababta dabka ka dambeysa.

  • Caalamka

    21-01-2025

  • 02:32PM

Jariidada New York Times oo Ka Digtey Isticmaalka Cabsida ee Donald Trump si uu u Adkeeyo Xukunkiisa

Trump ayaa caan ku ah adeegsiga cabsi si uu u cabsi geliyo mucaaradka…

  • Caalamka

    21-01-2025

  • 08:57AM