Ruushka oo gudbiyey dalab la xiriira xerada Balidoogle iyo dekada Berbera

Image

MOSCOW, Russia – Ruushka ayaa miiska saaray xiiso la xiriira xerada uu Mareykanka ku tababaro kumaandooska Soomaaliya ee Balidoogle, iyo dekada Berbera, sidda uu mas'uuliyiin ammaan kasoo xigtay Foreign Policy.

Wargeyskan afka dheer ee kasoo baxay Mareykanka ayaanan fahfaahin dalabkaas. Balse, saraakiishan uusan magacaabin waxay wariyeen in Ruushka iyo Iiraan ay isku kaashanayaan in Mareykanka laga saaro saldhiga.

"Mas'uuliyiinta waxay ka walaceen in weerarkii lagu qaadey Balidoogle 2019-kii uu ahaa mid ay taageereen Ruushka ama Iiraan iyagoo doonaya in Mareykanka uu ka baxo saldhiga," ayay raacisay warbixinta oo aan caddeyn wadan.

Warsidaha Garowe Online ayaanan si madax-banaan u xaqiijin karin eedeymahaan aysan wali ka jawaabin xukuumadda Moscow.

Maleyshiyadda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas oo aan geysan wax khasaaro nafeed.

Dhanka marsada Berbera, hadalheynteeda waxay soo ifbaxday ka gedaal markii Ruushka uu dib u soo cusbooneysiiyey howlgalkiisa diblumaasiyadeed ee Soomaaliya muddo 30-sano ah kadib, soona magacaabay safiir.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Ruushka uu sidoo kale codsaday in uu saldhig ciidan ka furto Somaliland, wallow mas'uuliyiin ka tirsan maamulkaas 1991-dii sheegta gooni u goosad aysan wali ka jawaabin warbixinadaas.

Soo laabashada Moscow ayaa kusoo hagaagtay xilli Russia sanadihii lasoo dhaafay ay diiradda saareysay xoojinta joogitaankeeda Afrika isla markaana uu meel sarre gaarey loolanka Washington ee hogaaminta aduunyadda.

Labadan dal oo ay wehliyaan Shiinaha iyo Faransiiska ayaa saldhigyo ciidan waxay kuwada leeyihiin Jabuuti oo deris la ah Soomaaliya.

Saldhiga Balidoogle oo 60 miles Koonfur Galbeed ka xiga Muqdisho waxaa dhisay Midowgii Suufiyeeti, oo uu ahaa fariisinkiisa ugu weyn gobolka.

Dhamaan dhaqdhaqaaqyada socda ayaa la xiriira loolanka juquraafi siyaasadeed ee ku saabsan hardanka ay quwadaha dunida ugu jiraan qabsashada goobaha istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika.

Soomaaliya oo ku taala aag marineed muhiim u ah dhaqaalaha caalamka iyo kheyraadka ku jira dhulka si lamid ah badda ayaa ka dhigtay dal soo jiitaa quwadaha dunida, balse waxaanan leysku raacsaneyn qaabka loo maareynayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Netanyahu uga digay joogitaanka ciidamada Israel ee Suuriya iyo Lubnaan

Warbixinta ayaa sheegtay in intii lagu jiray wada hadal telefoon oo dhex maray labada hoggaamiye Khamiistii la soo dhaafay.

  • Caalamka

    14-07-2026

  • 06:52PM

Mareykanka oo Duqeeyey 140 Bartilmaameed oo ku Yaalla Iran

Dhanka kale, Iiraan ayaa la sheegay inay jawaab ahaan weerarro ku qaaday Baxrayn, Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

  • Caalamka

    13-07-2026

  • 09:44AM