Ruushka oo ku hanjabay inuu qabsan doono dal kale

Image
SAWIR HORE

MOSCOW, Ruushka - Guddoomiye ku xigeenka Golaha Ammaanka ee Ruushka Dmitry Medvedev ayaa sheegay inay suurtaagal tahay Ruushka inoo la wareego gobollada Ossetia iyo Abkhazia ee dalka Georgia.

Madaxweynihii hore ee Ruushka, ayaa ku qoray maqaal lagu daabacay wargeyska Ruushka ee “Argumenti e Facti” fiidnimadii Talaadada:

"Fikirka ku biirista Ruushka ayaa weli laga aaminsanyahay Abkhazia iyo Ossetia, aad ayay suurtogal u tahay in la hirgeliyo haddii ay jiraan sababo keenaaya”.

Georgia waxay lumisay gacan ku haynta labada gobol kadib burburkii Midowgii Sofiyeeti. Moscow ayaa aqoonsatay madaxbannaanideeda 2008dii ka dib isku daygii Georgia ee ahaa inay dib u hanato xukunka Ossetia, taasoo keentay in Ruushku uu weeraro.

Inkastoo xiriirka Ruushka iyo Georgia uu soo hagaagayay wixii xilligaas ka dambeeyay, Medvedev waxa uu ku eedeeyay reer galbeedka inay xiisad kicinayaan iyagoo kala hadlay suurtagalnimada ku biiritaanka NATO.

Medvedev waxa uu maqaalkan oo lagu daabacay xuska sanad guurada shan iyo tobnaad ee ka soo wareegatay aqoonsiga madaxbanaanida labada gobol ku yiri “Ma sugi doono ilaa cabsidayada ay ka rumowdo”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Christiane Amanpour oo ku dhawaaqday inay ka tagayso CNN kaddib 43 sano

Waxa uu sheegay in telefishinku waqti siin doono u dabbaaldegga shaqadeeda iyo waxqabadkeeda ka hor inta aysan sannadka soo socda ka tegin.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:37PM

Trump oo si rasmi ah u taageeray ololaha doorashada Benjamin Netanyahu

Trump ayaa intaas ku daray in Netanyahu uu muujiyay adkaysi, geesinimo iyo karti, inkasta oo uu wajahayo mucaaradad xooggan.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:07PM