Ruushka oo la doonayo in laga saaro Golaha Xuquuqul Insaanka
WASHINGTON, USA - Mareykanka ayaa Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ka codsan doona in Ruushka laga saaro xubinnimada Golaha Xuquuqul Insaanka.
Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay ayaa Isniintii sheegay, ka dib markii Ukraine ay ku eedeysay ciidamada Ruushka inay tobanaan qof oo rayid ah ku dileen magaalada Bucha.
Codeynta aqlabiyadda saddex-meelood laba meel 193-da xubnood golaha ee fadhigoodu yahay magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa laali karaan dawlad kasta si joogto ah u geysata xadgudubyo waaweyn oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
"Ka mid ahaanshaha Ruushka ee Golaha Xuquuqul Insaanka waa khiyaano," ayay tiri safiirka Mareykanka ku mataleysa Golaha, Linda Thomas-Greenfield oo booqatay dalka Romania.
"Waxaan aaminsanahay in la gaaray xilligii golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay u codeyn lahaayeen in meesha laga saaro Moscow," ayay sii raacisay.
Ukraine waxay sheegtay inay adeegsan doonto dhammaan "hababka Qaramada Midoobay ee la heli karo" si ay u uruuriyaan caddaymaha dembiyada uu Ruushka gaystay.
"Ma jirto meel uu Ruushka kaga jiro Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay," ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba. Linda Thomas ayaa sheegtay todobaadkan in ay dooneyso qabashada cod bixinta.
Tan iyo markii uu bilowday duulaanka Ruushka ee Ukraine 24-kii Feberaayo, Goluhu wuxuu soo saaray laba qaraar oo lagu cambaareynayo Ruushka iyagoo helay 140 cod oo taageeray qaraarkooda.
Moscow ayaa sheegtay in ay fulinayso "hawgal gaar ah" oo ay ku doonayso in ay hubka kaga dhigto ciidamada Ukraine.
"Farriinta aan u dirayo 140-ka waddan ee sida geesinimada leh isu taagay waa; Sawirrada ka soo baxay Bucha iyo burburkii Ukraine oo dhan waxay nooga baahan yihiin inaan hadda hadalkeenna u badalno ficil," Thomas-Greenfield ayaa u sheegtay suxufiyiinta Romania.
Vassily Nebenzia, oo ah safiirka Ruushka ee Qaramada Midoobay oo uu ka muuqday xanaaq aad ah ayaa ku tilmaamay isku dayga Ruushka looga saarayo golaha mid "wax aan la rumaysan karin", isaga oo intaa ku daray in ay sii xumayn doonto wadahadallada nabadda.
Nebenzia oo ka hadlaya shir jaraa’id ayaa yiri, "Tani waa wax aan horay loo arag, mana fududayn doonto waxa ka dhacaya Ukraine iyo wadahadallada nabada ee u dhaxeeya labada dal."
Wuxuu ku celceliyay diidmada Ruushka ee eedeymaha xasuuqii Bucha, isagoo sheegay in muuqaalka la soo bandhigay uu ahaa "mid been abuur ah."
Waxa uu sheegay in Ruushku uu soo bandhigi doono caddaymo dheeraad ah oo arrintan ku saabsan kulanka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee qorshaysan Talaadada.
Ku xigeenka duqa magaalada Bucha ayaa sheegay in ilaa 50 meyd ah oo la helay ka dib markii ciidamada Ruushka ay isaga baxeen magaalada ay dhibanayaal u ahaayeen dilal sharci darro ah.
Maamulka Ukraine ayaa sheegay in ay baarayaan dambiyada dagaal ee laga yaabo in ay halkaasi ka dhaceen. Kremlin-ka ayaa diiday eedeymaha la xiriira dilka dadka rayidka ah ee magaalada Bucha.
Ruushka ayaa ku guda jira sanadkiisii labaad ee saddexda sano ee xilka loo doortay 47-ka xubnood ee golahan. Bishii la soo dhaafay golaha ayaa furay baaritaan ku saabsan eedeymaha xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee suurtagalka ay tahay in ciidamada Moscow ay ka gaysteen dalka Ukraine.
32 xubnood ayaa u codeeyay qaraarka ay keentay Ukraine waxaana diiday Ruushka iyo Ereteriya halka 13 xubnood oo uu Shiinuhu ka mid yahay ay ka aamuseen.
Golahan loo dhan yahay ayaa bishii maarso 2011 si wadajir ah u hakiyay xubinnimadii Liibiya sababo la xiriira xasuuq ay ciidamadii daacadda u ahaa madaxweynihii xilligaas Mucamar Al-Qadaafi u gaysteen dad dibad-baxayaal ah.
GAROWE ONLINE