Ruushka oo shaaciyey goorta uu Nukliyeer u adeegsanayo Ukraine

Image
Putin ayaa bishii hore amray in ciidamada Nukliyeerka ee Ruushka la geliyo heegan sare.

MOSCOW, Russia - Afhayeenka aqalka looga taliyo Russia ee Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku caddeeyay in dalkiisa Ruushka uu kaliya isticmaali doono hubka Nukliyeerka haddii jiritaankiisa la halis geliyo.

Faallada Peskov ayaa timid iyadoo wariyaha CNN ee Christiane Amanpour ay waydiisay inuu "ku qanacsan yahay ama ku kalsoon yahay" in madaxweyne Vladimir Putin uusan u isticmaali doonin nukliyeerka xaaladda Ukraine.

Putin ayaa bishii hore amray in ciidamada Nukliyeerka ee Ruushka la geliyo heegan sare. Bishii Diseembar ayuu sheegay in Ruushku uu yahay hogaamiyaha caalamiga ah ee gantaalaha hypersonic-ka, kuwaas oo xawaarahooda, farsamayntooda iyo jooggoodaba ay ka dhigayso mid adag in la raad raaco oo la qabto.

Iyadoo fulinaysa amarka, wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay 28-kii Febraayo in ciidamadeeda gantaallada nukliyeerka ah iyo maraakiibta waqooyiga iyo Pacific la geliyey waajibaad dagaal oo la xoojiyay, sida ay warisay wakaaladda wararka ee Interfax.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa 14-kii Maarso sheegay in "rajada colaadda Nukliyeerka, oo mar aan la malayn karin, ay hadda ku soo laabatay saaxadda suurtagalnimada".

Peskov ayaa sidoo kale wuxuu u sheegay warbaahinta CNN in dagaalka Ruushka ee Ukraine uu "si adag u socdo si waafaqsan qorshooyinka iyo ujeedooyinka la aasaasay ka hor".

Hadalkan ayaa yimid ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ka digay in Putin uu ka fiirsanayo isticmaalka hubka kiimikada iyo bayoolojiga ee Ukraine, isagoo ku tilmaamay xeeladaha Moscow mid sii kordhinaysa "arxandarro".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muwaadiniinta Shiinaha oo Lagu Dhibaateeyo Garoomada Diyaaradaha New Zealand

Ganacsiga u dhexeeya labada dal ayaa ah mid aad u ballaaran, iyadoo labada dal ay sanadkii hore wada ganacsadeen qiimo dhan 22.9 bilyan oo doollar.

  • Caalamka

    17-09-2025

  • 07:41AM

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM