Ruushka oo shaaciyey in uu qunsulyad ka furanaya Bariga Dhexe

Image
Beesha caalamka inta badan ma aqoonsan in Israa’iil ay leedahay dhammaan magaaladda.

MOSCOW, Russia - Safaaradda Ruushka ee Israa’iil ayaa xafiisyo ka furan doonta Galbeedka Quddus. Talaabadan waxay qeyb ka tahay heshiis dhexmaray Moscow iyo maamulka Yahuuda, sidda ay war-saxaafadeedyo kala duwan ay ku sheegeen safaaradda iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil.

Bayaanka ayay safaaradda ku sheegtay in heshiis ku saabsan dhul ku yaal Galbeedka Quddus, oo Ruushku iibsaday 1885-kii, ay dhameystirtey dawladda hoose 18-kii May, ka dib muddo sannado ah.

"Heshiiskan ayaa waxaa qeyb ka ah in hantidan lagu dhiso dhismayaal ay isticmaali doonto qeybta qunsuliyada ee safaaradda," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil, Eli Cohen, ayaa soo dhaweeyay heshiiskan oo wasaaraddu ku tilmaamtey "guul diblumaasiyadeed oo ku aaddan dadaallada ay ku kordhinayso tirada ergada dibadda ee Qudus".

"Ruushka ayaa qorsheeyay in uu dhismahan ku dhiso muddo 5 ilaa 10 sano gudahood ah," ayuu yiri safiirka u fadhiya Israa’iil, Anatoly Viktorov, kaas oo intaa ku daray in heshiisku “uu tixgelinayo danaha labada dal”.

Maqaamka Qudus – oo ay ku yaallaan goobo barakeysan oo ay leeyihiin Masiixiyiinta, Yuhuudda iyo Muslimiinta – waa mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan in heshiis nabadeed laga gaaro Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Israa’iil ayaa 1967-kii ku qabsatay bariga Quddus dagaal ka dhacay bariga dhexe, kadibna la wareegtay, waxay u aqoonsantahay magaaladaas caasimad weligeed ah oo aan la kala qaybin karin.

Maamulka Falastiiniyiinta (PA) waxay ku adkaysanayaan in Bariga Qudus - oo ay Israa'iil si sharci-darro ah u haysatay tan iyo 1967 - ay tahay inay u shaqeyso sidii caasimad dowlad Falastiin ah.

Beesha caalamka inta badan ma aqoonsan in Israa’iil ay leedahay dhammaan magaaladda, iyaga oo rumeysan in maqaamka Jerusalem lagu xalliyo wada-xaajood. Isku-dayo dhowr ah ayaa guuldareystay ka gadaal markii dowladaha tunka weyn ay la kala safteen labada dhinac si gaar ah Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM