Ruushka oo shaaciyey shuruud uu kaga baxayo dalka Ukraine

Image
Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa soo bandhigay qodobkan muhiimka ah.

MOSCOW, Russia - Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa Arbacadii sheegay in Moscow ay wali ka go’an tahay in ay ka baxdo dalka Ukrain, ayna jiraan liis hub ah oo la cayimay oo aan marnaba la geyn karin dhulka Ukraine.

"Noocyada gaarka ah ee hubka wax duqeeya ah waa in la aqoonsadaa oo aan waligood la geynin Ukraine laguna sameynin," Lavrov ayaa ku yiri wareysi uu siiyay Al-Jazeera, sida ku xusan qoraal lagu daabacay website-ka wasaaraddiisa.

Lavrov ayaa carabka ku dhuftey in Ruushku u aqoonsaday madaxweyne Volodymyr Zelenskiy inuu yahay hoggaamiyaha Ukraine, wuxuuna ku qeexay "tallaabo wanaagsan" xaqiiqda ah in Zelenskiy uu doonayay inuu helo dammaanad amni.

"Wada xaajoodayaasheena waxay diyaar u yihiin wareegga labaad ee ka doodista dammaanadahan wakiilada Ukraine," ayuu ku nuux-nuux-sadey. Lavrov ma shaacin magacyadda hubka ay doonayaan in ay ka caagnaato xukuumada Kyiv.

Zelenskiy ayaa Talaadadii wareysi ku sheegay in Ruushka u baahan yahay inuu joojiyo duqeymaha Ukraine ka hor inta aan la gaarin wadahadalo kale. Waxa uu ku baaqay in la dammaanad qaado amniga dalkiisa, balse aysan khuseyn NATO iyo Ruushka.

Dhanka kale, Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa Arbacadii ku dhaleeceysay Aqalka Kremlin-ka ee looga arrimiyo warbaahinta Ruushka iyo ololaheeda kala duwan ee ku wajahan duulaanka Ukraine.

Horraantii todobaadkan, dacwad oogaha guud ee Ruushka ayaa xannibay laba warbaahin oo madax bannaan, Echo of Moscow iyo TV Rain, isagoo ku eedeeyay inay "been" ka sheegeen duullaankaas.

Docda kale, Hindiya ayaa Khamiistii beenisay sheegashada Ruushka ee ah in ardayda Hindida ee ku go'doonsan Ukraine ay afduub ahaan u haystaan ​​ciidamada Ukraine oo ay u adeegsadaan "gaashanka aadanaha".

Ka dib markii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo ra'iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ay ku wada hadleen telefoonka Arbacadii, Kremlin-ka ayaa sii daayay bayaan uu ku sheegay in Putin uu ka digay ardayda Hindida "la haystayaasha ammaanka ee Ukraine."

Geesta kale, Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Ukraine ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ee Geneva ka dib markii uu ku baaqay in la taageero qaraar qabyo ah oo lagu dhisayo baaritaanka Qaramada Midoobay ee dambiyada lagu eedeeyay Ruushka.

"Waxaa na saaran weerar bini'aadantinimo ka baxsan," Emine Dzhaparova ayaa tiri. In ka badan 100 diblumaasiyiin ah ayaa ka baxay dalka intii lagu guda jiray khudbad uu jeedinayay wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergei Lavrov Talaadadii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dad badan oo ku dhintay Dab Ka Kacay Hoteel Ku Yaalla Turkey

Dabka ayaa ka bilowday qiyaastii 3:30 subaxnimo qaybta makhaayadda ee hoteelka, waxaana la baarayaa sababta dabka ka dambeysa.

  • Caalamka

    21-01-2025

  • 02:32PM

Jariidada New York Times oo Ka Digtey Isticmaalka Cabsida ee Donald Trump si uu u Adkeeyo Xukunkiisa

Trump ayaa caan ku ah adeegsiga cabsi si uu u cabsi geliyo mucaaradka…

  • Caalamka

    21-01-2025

  • 08:57AM