Ruushka oo u hanjabay shirkadaha xayiraadda taageeray

Image
Hadalkaan ayaa imaanaya iyada oo Mareykanka iyo Shiinaha ay saraakiil sarre u dirayaan Rome.

MOSCOW, Russia – Dowladda Ruushka, oo wajahaya masiibo dhaqaale oo suurtagal ah iyadoo cunaqabateynta reer galbeedka ay saaran tahay, ayaa u hanjabay shirkadaha ajnabiga ah ee rajeynaya in ay dalka ka baxaan iyada oo loo sheegay inla xirayo iyo hantidoodana lala wareegayo, sida uu baahiyay wargayska Wall Street Journal.

Dacwad oogayaasha Ruushka ayaa soo saaray digniino ku socda dhowr shirkadood oo ajnabi ah - iyaga oo isticmaalaya wicitaano, waraaqo iyo ciidamo dharcad ah oo si joogto ah u booqanaya.

Shirkadaha la beegsaday ee taageeray cunaqabataynta waxaa ka mid ah Coca-Cola, McDonald's, Procter & Gamble, IBM, Yum Brands, KFC iyo Pizza Hut, sida uu sheegay ganacsade Maxali ah.

“Waxa ay ku hanjabeen in ay xiri doonaan mas’uuliyiinta dhaliila dowladda ama ay la wareegi doonaan hanti ay ka mid tahay hantida maguurtada ah” ayaa laga soo xigtay mid ka mid ah masuuliyiinta shirkadaha qoriyay magaciisa sababo amaan darted.

Digniinaha ayaa yimid ka dib markii ugu yaraan mid ka mid ah shirkadaha xiriirka ka dhexeeya ganacsiga Ruushka ay xadiyay shaqadeeda Ruushka, iyada oo ka walaacsan in emails ama fariimaha qoraalka ah ee shirkada ay dhex galaan saraakiisha Ruushka, qaar ka mid ah dadka (yaqaana arrinta) ayaa sidaas u sheegay The Wall Street Journal.

Hadalkaan ayaa imaanaya iyada oo Mareykanka iyo Shiinaha ay saraakiil sar sare u dirayaan Rome Isniinta si ay hoos u dhigaan xiisada laba dal ee ka dhalatay go’aanka Shiinuhu ka qaatay duulaanka Ruushka, iyadoo Mareykanka uu sheegay in Ruushku uu Shiinaha ka codsaday qalab milateri si uu u xoojiyo dagaalkiisa.

Kahor wadahadalka, lataliyaha amniga qaranka ee Aqalka Cad Jake Sullivan wuxuu si bareer ah uga digay Shiinaha in ay ka fogaadaan in ay Ruushka ka caawiyaan in ay ka baxsadaan ciqaabta cunaqabataynta caalamiga ah ee burburisay dhaqaalaha Ruushka. "Ma ogolaan doono in taasi horay u socoto," ayuu yiri.

Duullaanka Ruushka ee Ukraine waxa uu Shiinaha geliyey meel jilicsan oo ay ku jiraan laba ka mid ah ganacsigiisa ugu weyn: Maraykanka iyo Midowga Yurub. Shiinuhu wuxuu u baahan yahay inuu galo suuqyadaas, hase yeeshee waxa uu sidoo kale taageero u muujiyay Moscow, isaga oo ku biiray Ruushka si uu ugu dhawaaqo saaxiibtinimo "aan xad lahayn".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo 100-200 oo Go'aano Culus ah Laga Filayo Maalinta ugu horeysa uu Xafiiska la wareego

Waxaa la filayaa in tallaabooyinkan ay ka abuuri doonaan dood ballaaran oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 07:28AM

Falastiiniyiinta oo farxad ku jira iyo Isra’il oo sii daysay 90 Maxbuus

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 05:41AM