Ruushka oo walaac ka qaba Daacish-ta Afghanistan

Image

Dowladda Ruushka ayaa walaac ka muujisay Daacish-ta ku xoogaysanaysa dalka Afghanistan, xili wadamada reer galbeedka ay dagaal muddo ka badan 15 sano kula jiraan Al Qaeda iyo Taliban.

Ruushka ayaa sheegay in Daacish ay kusoo baahayso goobo badan, oo katirsan dalka Afghanistan, islamarkaana ay xoojiyeen weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda dalkaasi iyo kuwa NATO.

"Waxaa si dhaw ula soconayaa xaaladda amni ee dalka Afghanistan, waxaana ka walaacsanahay Xoogaga Daacish ee kusii xoogeysanayo wadanka, iyo weerarada argagaxiso ee ay geysanayaan," ayaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada Ruushka.

Dowlada Ruushka waxay kaloo sheegtay inay diyaar u tahay in Afghnaistan ay ka gacan siiyo dagaalka ay ku jirto Kooxaha Islaamiga ah, oo Daacish ay kamid tahay.

Hadalka Ruushka wuxu kusoo beegmayaa xilli Wasiirka arrimaha dibada Afghanistan Salahuddin Rabbani lagu wado inuu booqasho ku tago magaalada Moscow February 7, halkaasi oo kulamo kula qaadan doono dhigiisa Sargay Lafroof.

Afghanistan waxaa ka taagan colaad dad badan ay ku dhinteen wixii ka dambeeyay markii ciidamada NATO ay ku duuleen dalkaasi 2011.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM