Ruushka oo wariye Ameerikaan ah u xiray eedeymo jaajuusnimo

Image
Saxafi Evan Gershkovich ayaa ka tirsan wargeyska afka dheer ee Wall Street Journal.

MOSCOW, Russia - Mas'uuliyiinta Ruushka ayaa xiray weriye Mareykan ah oo u shaqeynayay wargeyska Wall Street Journal kaasoo lagu eedeeyay basaasnimo, sidda ay shaacisay hay'adda mukhaabaraadka maamulka Vladimir Putin.

Laanta Amniga Federaalka (FSB) oo badashay KGB, ayaa Khamiista maanta ah sheegtay "in Evan Gershkovich lagu xiray magaalada buuraleyda ah  ee Yekaterinburg isagoo isku dayayay inuu helo macluumaad sir ah".

FSB ayaa shaaca ka dhigtey "in Gershkovich uu ururinayey macluumaadka sirta ah ee ku saabsan hawlaha mid ka mid ah shirkadaha warshadaha militariga Ruushka oo ka kooban sir dawladeed."

Sida laga soo xigtay warbaahinta maxalliga ah ee Ruushka, saxafiga ayaa majaladda uu ka tirsan yahay wuxuu uga waraayey dagaalka Ukraine iyo kooxda Wagner Mercenary Group.

Hay'adda FSB oo macluumaad kooban soo bandhigtey ayaan sheegin goorta la xiray. Gershkovich ayaa muteysan kara 20 sano oo xarig ah haddii lagu helo dambiga jaajuusnimo ah.

Gershkovich, oo gudaha Ruushka uga diiwaan-gashan wariye ajnabi ah, ayaa dhowrkii bilood lasoo dhaafay ka waramayey Ruushka iyo Ukraine isagoo xubin ka ahaa xafiiska Wall Street Journal ee Moscow.

Waa wariyihii ugu horeeyay ee ka tirsan warbaahinta Mareykanka oo Ruushka u xiro jaajuusnimo tan iyo dagaalkii qaboobaa. Xarigiisa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay jirto xiisado ba’an oo caalami ah oo ka dhashay dagaalka Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM