​RW Ethiopia oo kulan deg deg ah isugu yeeray Madaxda IGAD

Image

Ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray madaxda waddamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD.

Guddoomiyaha ururka Hailemariam Desalegn, ayaa waraaq uu u diray madaxdaas ku sheegay in todobaadka dambe la isugu yimaado shir ka dhacaya magaalada Addis Ababa si looga arrinsado xaaladda cakiran ee waddanka Suudaanta Koonfureed.

Dalka ugu yar fac ahaan dunida, waxaa ka taagan qalalaaso siyaasadeed iyo dagaal u dhaxeeya Madaxda waddankaas, waxaana fashilmay xabad joojin lagu gaaray waddanka Ethiopia.

RW Hailemariam, ayaa madaxda ururkaas ka codsaday inay la yimaadaan cod midaysan oo looga hadlayo arrimaha dalkaas.

Wuxuu ku baaqay in wax laga qabto colaadda South Sudan isagoo walaac ka muujiyay dhibaatada haysata dadka shacabka ah ee lagu dhex dagaallamayo.

12 bishan ayaa la filayaa inuu qabsoomo shirkaas iyadoo lagu wado inuu tago Madaxweynahe Maxamed Cabdullaahi Farmajo, Maadama Somalia ay kamid tahay waddamada ku jira ururkaas.

IGAD, ayaa hishiis aan miro dhalin dhex dhigtay Madaxweynaha iyo ku-xigeenka dalka Sudan, kuwasoo isku haya siyaasadda dalkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM