Netanyahu oo lagala cararey goob lagu soo tuurey Gantaal

Image

JERUSALEM, Israel —  Dalka Israa’iil ayaa wuxuu Arbacadii sheegey in gantaal laga soo tuurey koonfurta Gaza uu sababey in Ra’isal wasaare Netanyahu lagala cararo goob uu ka jeedinayey hadal.

Sarakiisha ammaanka ayaa tilmaaamay in nidaamka difaaca loo yaqaan Iron Dome uu hawada ku toogtey gantaalkaan, kaas oo aan gaysan wax khasaaro ah.

Mid kamid ah jaraa'idka ka soo baxa dalkaas, Haaretz, ayaa baahiyey muuqaal muujinaya Netanyahu oo loo kaxeeyey meelaha lagaga gaashaanto duqeymaha noocaan ah.

Ra’iisal wasaarada dalkaas ayaa ku jirey olele doorasho uu xisbigiisu ka sameynayey magaalada la yiraahdo Askelon.

Saacadihii hore ee Khamiista, diyaaradaha Yahuuda ayaa weerar cirka ah ku qaadey saldhigyo Xamaas ku leedahay Gaza. Ma jiraan wax khasaare ah oo la soo sheegey.

Bishii September, ayay ahayd markii dhacdo noocaan ah horey qabsatay Ra’iisal wasaare Netanyahu xilli uu olale ka waday magaaladda Ashdod.

Ma jirto koox ka tirsan ururada Falastiin oo sheegtey mas’uuliyada gantaalkaan la soo tuurey maalinimadii Arbacada. Xamaas waxay maamushaa qaybo kamid ah dhulka Falastiin.

Weeraradaan oo sababa in Israa’iil ka falceliso ayaan sababin ineysan burburin ku timaadda xabad joojin dalka Masar ka shaqeeyey bishii lasoo dhaafay ee November ee sanadkan sii idlaanaya ee 2019.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM