RW Pakistan: Guul Taariikhi ah baan ka gaarnay dagaalka India

Image

Islamabad – Raysal Wasaaraha Pakistan, Maxamed Shehbaz Sharif, ayaa ku dhawaaqay guul taariikhi ah inay ka gaareen dagaalka India kadib markii la shaaciyay heshiis xabbad-joojin ah oo Trump iyo Madax kale kasoo shaqeeyeen.

Shehbaz Sharif oo khudbad u jeediyay shacabkiisa ayaa sheegay in Ciidamada Pakistan ay burburiyeen saldhigyada militeriga India, sidoo kalena ay soo rideen diyaaradaha Rafeal-ka oo India kasoo iibsatay Faransiiska.

Dowladda India ay si adag ugu eedeysay Pakistan inay jebisay heshiisyadii hore ee xabbad-joojinta.

Shehbaz Sharif ayaa sheegay in heshiiska cusub uu yahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday nabadda gobolka, gaar ahaan xuduudda Kashmir ee lagu muransan yahay. Wuxuu intaas ku daray in dowladdiisu ay weli ka go’an tahay xasilooni iyo wada-hadal nabadeed oo lala yeesho Hindiya.

Dhanka kale, mas’uuliyiinta India ayaa sheegay in ciidamada Pakistan ay dhowr jeer ku xadgudbeen xabbad-joojintii, iyagoo tilmaamay weerarro laga geystay dhanka xuduudda oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Heshiiska xabbad-joojinta ayaa yimid xilli xiisadihii u dhexeeyay labada waddan ay kor u sii kacayeen, waxaana beesha caalamka ay ku baaqday in labada dal ay is xakameeyaan oo ay ka fogaadaan falal keeni kara dagaal cusub.

Dagaalka labadan dal ee hubka Nuclear-ka haysta ayaa ka billowday dilka 26 dalxiise oo India u dhashay kuwaasoo koox hubeysan ku toogatay gobolka Kashmiir bishii hore.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Lubnaan: Israel oo 112 qof ku dishay duqeymo Maanta fulisay

Lubnaan waxay ku jirtaa xaalad adag, dadka rayidka ah ayaana bixinaya qiimaha ugu sarreeya ee colaaddan.

  • Caalamka

    08-04-2026

  • 04:28PM

Caalamka oo soo dhaweeyay xabbad-joojinta Mareykanka iyo Iran

Midowga Yurub ayaa ku tilmaantay heshiiska tallaabo muhiim ah oo lagu dejinayo xiisadda, halka dalal ay ka mid yihiin India.

  • Caalamka

    08-04-2026

  • 10:53AM