Saacadaha laga soomi doono dalalka Islaamka Ramadaanka 2023

Image
Dalka Comoros ayaa la filayaa in uu noqdo dalka saacadaha ugu gaaban laga soomi doono.

ANKARA, Turkey - Qoraal lagu daabacay Al Jazeera ayaa lagu sheegay in muslimiinta dunidu ay is waydiinayaan sida ay noqon doonaan saacadaha soomka bisha barakaysan ee Ramadaan 2023/1444 iyada oo wadamadu kala duwan yihiin.

Goorma ayay bilaabanaysaa Ramadaan 2023?

Sida ay tilmaamayaan, cilmi baarisyo waxaa loo badinayaa in bisha Ramadaan 2023 ay bilaabato 23, March, 2023 iyada oo noqon doonta bishaanu 29 maalmood isla markaanu ciidu ay ku beegmi doonto 21, April, 2023.

Wadamada Carabta ayaa la filayaa intooda badan in laga soomi doono 15 saac iyo dheeri iyadoo dowladaha qaybtood ay kala duwanaan doonaan saacadaha la soomayo gobalada hal wadan gudihiisa gaar ahaan kuwa dhul ahaan balaaran sida Boqortooyada Sucuudiga iyo Jazaa'ir.

Dalka Comoros ayaa la filayaa in uu noqdo dalka saacadaha ugu gaaban laga soomi doono, isaga oo dadkiisu ay soomayaan 12 saac iyo 37 daqiiqo. Wadamada iyo inta ay kala soomayaan:

Comoros: 12 saac iyo 37 daqiiqo.

Somalia: 13 saac iyo 27 daqiiqo.

Yemen: 14 saac iyo 7 daqiiqo.

Mauritania: 14 saac iyo 15 daqiiqo.

Qatar: 14 saac iyo 15 daqiiqo.

Suuriya: 14 saac iyo bar.

Falastiin: 14 saac iyo bar.

Urdun: 14 saac iyo bar.

Lubnaan: 14 saac iyo bar.

Kuweyt: 14 saac iyo bar.

Cumaan: 14 saac iyo 37 daqiiqo.

Sucuudiga: 14 saac iyo 41 daqiiqo.

Imaaraatka: 14 saac iyo 41 daqiiqo.

Baxrayn: 14 saac iyo 49 daqiiqo.

Ciraaq: 15 saac.

Masar: 15 saac.

Marooko: 15 saac iyo 25 daqiiqo.

Liibiya: 15 saac iyo bar.

Jazaair: 15 saac iyo 45 daqiiqo.

Tunis: 15 saac iyo 45 daqiiqo.

Malaysia: 13 saac.

Singapore: 13 saac iyo bar.

Senegal: 13 saac iyo bar.

Turkey: 13 saac iyo bar.

Indones: 13 saac iyo bar.

India: 15 saac.

Pakistan: 16 saac.

Iran: 16 saac.

Afghanistan: 16 saac iyo bar.

Greenland: 20 saac.

Poland: 18 saac iyo bar.

Russia: 18 saac iyo bar.

Denmark: 18 saac iyo 26 daqiiqo.

UK: 17 saac.

France: 17 saac.

Canada: 16 saac.

Spain : 15 saac iyo bar.

Italy: 15 saac.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Ilhan Omar oo u mahadcelisay taageerayaasheeda kaddib baaritaan lagu sameeyay gurigeeda

Ilhaan Cumar ayaa muddo dheer ka mid ahayd dadka sida weyn u dhaliila madaxweyne Donald Trump iyo siyaasaddiisa socdaalka.

  • Caalamka

    21-10-2026

  • 05:22AM

Pete Hegseth oo kulan qarsoodi ah la yeeshay Netanyahu gudaha Israa’iil

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in aysan isla markiiba si madax-bannaan u xaqiijin karin booqashada.

  • Caalamka

    20-10-2026

  • 05:36AM