Sababta keentay geerida boqorad Queen Elizabeth II oo la shaaciyey

Image
Shahaadada dhimashadda oo la faafiyey ayaa sidoo kale baxay muujisay waqtiga ay nafta ka baxdey.

LONDON, United Kingdom - Boqoradda Elizabeth II waxay u dhimatay "da'deeda oo weyneyd awgeed", sida ku cad shahaadadeeda dhimashada, taas oo ay sii daysay Xarunta Diiwaanka Qaranka ee Scotland.

Shahaadada oo nuqul kamid ah warbaahinta ay aragtey ayaa muujineysa in Boqoraddu ay ku dhimatay 15:10 Sebtembar 8-dii Sebtembar gudaha Balmoral Castle, iyadoo da'deedu tahay 96 jir.

Qiraalkan ayaa ka dhigan in boqoradda ay geeriyootey saddex saacadood kahor inta aan la xaqiijin geerideeda. Tani waxay ka dhigan tahay in sheekadda ku saabsan in isbitaal la dhigay ay ahayd dareen soo jeedin.

Princess Anne oo kamid ah qoyska boqortooyadda Ingiriiska ayaa sidoo kale waxaa loo diiwaan galiyay inay tahay qofka bixinaya macluumaadka ku saabsan dhimashada boqorada.

Sida ku xusan shahaadadda, dhakhtarkii caddeeyey geerida Balmoral ee Aberdeenshire wuxuu ahaa Douglas Glass kaasoo qasriga Buckingham Palace ku wargeliyey in boqoradda ay geeriyootey.

"Markii ay noolayd waxaa jiray daah sir ah oo ku wareegsan caafimaadka boqoradda, dhimashadeedana waxaa jiray xannibaadyo," ayay sheegtay laanta dibada ka hadasha ee BBC-da.

Boqorka cusub ee Charles iyo walaashii amiirad Anne waxay hore u joogeen Scotland, laakiin xubnaha kale ee qoyska boqortooyada ayaa kadib u safray magaaladda Balmoral kahor shaacinta dhimashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM