Sababta Mareykanka u Weeraray Iran iyo Ajandaha Ka Dambeeya

Image

WASHINGTON - Mareykanka ayaa dhowaan weeraro ka fuliyay goobo nukliyeer oo Iran ku yaalla, arrintan oo qayb ka ah dagaal siyaasadeed iyo amni oo dhexmaray labada dal.

Sababta rasmiga ah ee Mareykanka u qaaday weerarradan ayaa ah in la joojiyo horumarinta barnaamijka nukliyeerka ee Iran, kaas oo Mareykanku ku eedeeyay inuu ku socdo dhanka soo saarista hubka nukliyeerka, taasoo khatar gelin karta amniga Israel.

Ajandaha Mareykanka ayaa ah in la xakameeyo awoodda nukliyeerka ee Iran si looga hortago in ay hesho madaxyo nukliyeer oo dhabta ah, isla markaana lagu cadaadiyo Iran inay dib uga laabato siyaasadaha militari iyo taageerada kooxaha hubeysan ee gobolka.

Mareykanku waxa uu sidoo kale doonayaa inuu kordhiyo cadaadiska siyaasadeed iyo mid dhaqaale si Iran looga qanciyo inay gorgortan la gasho dowladaha reer galbeedka, gaar ahaan arrimaha hubka nukliyeerka iyo nabadeynta gobolka.

Dhinaca kale, weerarradan ayaa sidoo kale loo arkaa inay qeyb ka yihiin istaraatijiyadda guud ee Mareykanka ee ka hortagga saamaynta Iran ee Bariga Dhexe, gaar ahaan wadamada sida Ciraaq, Suuriya, iyo Lubnaan, halkaas oo Iran ay taageerto kooxo militari iyo siyaasadeed.

Wuxuu kaloo doonayaa Mareykanka inay Israel oo haysata Madaxyo Nuclearah noqoto quwadda gobolka, dhanka militeriga, iyadoo dalka Iran uu ku yahay caqabad taasi.

Si kastaba ha ahaatee, weerarrada Mareykanka ayaa dhaliyay xiisado cusub, iyadoo Iran ay ku adkeysanayso inay sii waddo barnaamijkeeda nukliyeerka iyo inay difaacdo madax-bannaanideeda.

Arrintan ayaa horseedaysa xaalad cakiran oo gobolka ah, iyadoo wadamada caalamka ay ku baaqayaan in la helo wadahadal iyo xal nabadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM