Sacuudi Carabiya: Labaatan Xujey ah oo ku dhimatay shil bas

Image
Dhacdadan ayaa laga soo wariyey gobolka Casir ee koonfurta dalka Yemen oo xuduud la leh.

RIYADH, Saudi Arabia - Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay kadib markii bas ay saarnaayeen xujay uu ku rogmaday buundo kadibna uu dab qabsaday Koonfur Galbeed ee dalka Sacuudiga.

Dhacdadan ayaa Isniintii shalay ahayd waxaa laga soo wariyey gobolka Casir ee koonfurta dalka Yemen oo xuduud la leh. Muuqaalo iyo sawirro laga helay ayaa muujiyey xaalad naxdin leh.

Dhacdadan ayaa beegantay todobaadka ugu horeeya ee bisha Ramadaan oo ah wakhti mashquul badan oo ay aad u badan tahay acmaasha cumrada, iyada oo ay bilo ka harsan yihiin malaayiin muslimiin ah oo la filayo in ay soo gutaan waajibaadka xajka ee sanadlaha ah.

Daabulida Muslimiinta cibaadeysaneysa ee ku wareegaya goobaha barakaysan ee Sacuudi Carabiya waa hawl halis ah, gaar ahaan inta lagu jiro gudashada waajibaadka Xajka, markaas oo ay waddooyinku qasi karaan basaska oo abuuraya saxmad aan kala go’ lahayn.

Sannadkii 2016-kii, ilaa 19 qof ayaa ku dhintay kaddib markii uu bas ku rogmaday waddo weyn oo xiriirisa Madiina iyo Maka, halka 22 kalena ay ku dhaawacmeen.

Afar Xujey British ah ayaa ku dhintay 12 kalena way ku dhaawacmeen Sucuudiga kadib markii bas ay saarnaayeen uu ku dhacay booyad shidaal bishii April sanadii 2018.

Bishii Oktoobar 2019, ilaa 35 ajaanib ah ayaa ku geeriyootay afar kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii uu bas ku dhacay gaari kale oo culus meel u dhow magaaladda barakeysan ee Madiina.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM