Sacuudi Carabiya oo dhabarka ka toogtey Mareykanka

Image
Go'aankan ayaa sidoo kale wuxuu guul weyn u yahay Ruushka oo cadaadis caalami ah uu saaran yahay.

RIYADH, Saudi Arabia - Wasiiro ka socda kooxda dhoofinta saliida oo ay hogaaminayaan Sacuudiga iyo Ruushka ayaa ku heshiiyay Arbacadii in la dhimo wax soo saarka laba milyan oo fuusto maalintii, taasoo dharbaaxo ku ah Mareykanka, isla markaana ay sii hurin karta cabsida laga qabo in ay sare u kacdo sicir bararka caalamka.

Go'aanka ayaa yimid inkastoo Washington ay olole xooggan ka waday caasimadaha Khaliijka oo ay kaga soo horjeedaan tallaabadaas.

"Way caddahay in OPec+ ay la jaanqaadeyso Ruushka ku dhawaaqida maanta," ayay tiri xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Karine Jean-Pierre iyadoo la socotay Air Force One.

"Madaxweynuhu wuu ka niyad jabay go'aanka gaaban ee Opec+," lataliyaha amniga qaranka Jake Sullivan iyo lataliyaha sare ee dhaqaalaha Brian Deese ayaa ku yiri bayaan.

Dhimista oo u dhiganta boqolkiiba laba ee sahayda caalamiga ah ee maalinlaha ah, waxaa soo jeediyay ururka Sucuudigu hoggaamiyo ee dalalka dhoofiya shidaalka iyo Ruushka shirkii OPec+ ee Arbacadii ka dhacay Vienna.

Waxay aad uga badan tahay in ay tahay hal milyan oo foosto, sidda ay sheegayaan falanqeeyayaasha, iyo dhimistii ugu waynayd tan iyo Abriil 2020.

Sacuudi Carabiya iyo Ruushka ayaa ujeedadoodu tahay inay taageeraan qiimaha iyadoo ay jiraan calaamado muujinaya in dhaqaalaha adduunka uu hoos u dhacayo, iyada oo ay suurtogal tahay in sicir-barar uu ku yimaado.

Qiimaha saliidda ayaa badanaa hoos u dhaca marka kobaca dhaqaalaha adduunku hoos u dhaco.

Go’aanka lagu dhimayo wax soo saarka ayaa loo badinayaa inuu cadaadis saaro xiriirka ka dhexeeya Mareykanka iyo Sacuudiga, iyadoo tallaabada Arbacada loo arkay inay tahay guul u soo hoyatay Ruushka, gaar ahaan markii ay la kulantay khasaarooyin goob dagaal oo ka dhacay Ukraine, iyo hoos u dhac ku yimid dakhliga ka imaanayay qiimaha saliidda toddobaadyadii la soo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM