Sacuudiga: Fure Gaari oo halis geliyay qof noloshiisa

Image

RIYADH - Dhakhaatiirta Sacuudiga ayaa ku guuleystay inay soo saaraan fure ku dhegan dhuunta nin 49 jir ah oo sida muuqata isagoo ku ciyaarayay ku faktay.

Koox caafimaad oo ku sugan magaalada Al-Qunfudhah ee ku taalla badda cas ayaa ninkan ku sameeyay qalliin socday muddo 15 daqiiqo ah, kaddib markii si degdeg ah loola soo cararay Isbtaalka.

Ninkan ayaa la sheegay inuu liqay furaha, isagoo ku ciyaarayay, si lama filaan ah. Waxaa la sheegay inay sababtay furaha dhuunta u istaagey neef-qabatiin.

Raajo ayaa muujisay furaha birta ah ee ku jira hawo-mareenka.

Qaliinka caafimaadka ayaa si degdeg ah loo fuliyay tan iyo markii la sheegay in bukaanku uu qabay xanuun wadnaha ah.

Dhaqaatiirta ayaa isticmaalay endoscopy, si ay uga soo saaraan walxaha birta ah d dhuunta ninkan.

Waxay Dhaqaatiirta sheegeen in ninkan xaaladdiisu ay wanaagsan tahay hadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM