Sacuudiga iyo Qadar oo isku-furaya xuduudaha

Image

RIYADH, Saudi Arabia - Sacuudi Carabiya iyo Qatar waxay ogolaadeen in isu furaan xuduudaha hawada, badda iyo bariga, wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuweyt ayaa siddaas ku dhawaaqday Isniinta maanta ah.

Wakaaladda wararka ee Kuweyt News Agency ayaa werisay warkan, iyadda oo sheegtay in Sacuudi Carabiya uu furi doono xuduudihiisa hawda, dhulka iyo badda laga bilaabo fiidnimada Isniinta maanta ah.

Bishii Juun 2017, wadamada Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar - ayaa go'doomiyey Qatar, waxayna cuskadeen "inay taageerto argagixisada iyo inay aad ugu dhowdahay Iran" iyaga oo u jaray xiriirkii dhaqaale iyo diblomaasiyadeed.

Afartaas dal waxay sidoo kalr xayiraad dhulka, badda iyo cirka ah saareen Qadar.

Qatar ayaa si isdaba joog ah u beenisay eedeymaha loo soo jeediyay waxayna sheegtay in aysan jirin "cudurdaar sharci ah" oo ku saabsan xiriirka loo jaray.

Kuweyt waxay tan iyo xilligaas dhexdhexaadin ka dhex waday Qadar iyo afar dal oo carbeed.

Xirnaanshiyaha xuduudaha ayaa ahayd mid kamid ah shuruudihii ugu horeeyay ee ku xirnaan in dhinacyaddu wadahadlaan, waxaana loo arkayey in aysan macno lahyn hadii la shiro ayadda oo xayiraadda jirto.

Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) ayaa sheegay in amiirka Qatar lagu casuumay shir madaxeedka ururka ee Asbuuca soo socda ka dhacaya Sacuudi Carabiya iyadoo ay socdaan dadaallo lagu bogsiinayo khilaafka.

Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka Sacuudiga Salmaan bin Cabdicasiis kulanka loo balansan yahay 5-ta Janaayo. Balse lama ogga hadii uu xaadiri doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu iyo Trump oo isku khilaafsan tallaabo cusub oo ka dhan ah Iran

Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira isku dayga Trump ee lagu doonayo in dagaallada Bariga Dhexe la dejiyo.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 06:01PM

Maraykanka iyo Iran oo billaabay wada-hadallo qarsoodi ah

Wada-hadallada ayaa ku soo beegmaya xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadyo waaweyn oo ay ka mid yihiin barnaamijka nukliyeerka Iran.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 05:16PM