Sacuudiga iyo Turkiga oo kala saxiixdey sagaal heshiis is-afgarad ah

Image
Tani ayaa timid kadib kulan dhexmaray Dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan iyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

RIYADH, Sadui Arabia - Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii wada-hadallo rasmi ah ku yeeshay Jeddah, halkaas oo ay ku kala saxiixdeen heshiisyo dhowr ah oo laba geesood ah oo khuseeya dhinacyo kala duwan.

Labada dhinac ayaa kala saxiixday heshiisyo is afgarad (MOUs) oo ku saabsan iskaashiga dhinacyada tamarta; warshadaha difaaca, cilmi-baarista iyo horumarinta; Maalgashiga tooska ah iyo warbaahinta, marka laga reebo in Sacuudi Carabiya ay labo qandaraas la saxiixdeen shirkadda difaaca Turkiga ee Baykar.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah shirka ganacsiga Sacuudiga iyo Turkiga oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirka maalgashiga Sacuudiga Khalid al-Falih iyo wasiirka ganacsiga ee Turkiga Omer Bolat waxaana ka soo qeyb galay wakiilo ka kala socday shirkadaha Sacuudiga iyo Turkiga iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Madashu waxa ay ka wada hadashay habab iskaashi iyo siyaabaha loo kordhin karo fursadaha maalgashi ee labada dal, sidda ay sheegtey Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA.

Is-aragan ayaa dhaliyey in lagu dhawaaqo sagaal MOUs oo daboolaya tamarta, hantida ma guurtada ah, dhismaha, waxbarashada, tignoolajiyada dhijitaalka ah, caafimaadka iyo qaybaha warbaahinta, sida ay sheegtay SPA.

Erdogan ayaa gaaray Jeddah ka dib markii dib loogu doortay doorashadii madaxtinimada Turkiga ee bishii May. Booqashada Madaxweynaha Turkiga uu ku tagay Boqortooyada Sacuudiga ayaa ah safarkii ugu horeeyay ee uu ku tago wadamada Khaliijka oo ay ku jiraan Qatar iyo Imaaraadka intii u dhaxeysay 17-19 July.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo xukun daldalaad ah ku fulisay laba nin u basaasayeen Sirdoonka Israel 

Xiisadda u dhaxeysa Iiraan iyo Israa’iil ayaa gaartay meeshii ugu sarreysay bishii Febraayo ee sanadkan 2026.

  • Caalamka

    02-05-2026

  • 09:35AM

Pentagon-ka oo shaaciyay kharashka dagaalka Iran

Hurst ayaa ku jawaabay in qorshe lagu diyaarinayo codsi miisaaniyadeed oo dheeri ah oo loo marsiin doono Aqalka Cad.

  • Caalamka

    30-04-2026

  • 05:36AM