Sacuudiga oo fasiraad kale ka bixiyey heshiiska uu la galay Iiraan

Image
Riyadh iyo Tehran ayaa ku heshiiyey Jimcihii lasoo dhaafay in dib loo bilaabo xiriirkii labada dal.

RIYADH, Sacuudi Carabiya - Sacuudiga ayaa Axaddii sheegay in heshiiska uu Iran kula galay dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed "uusan ka dhigneyn in dhammaan qadiyadaha ay isku-hayeen la xaliyay".

"Heshiisku waxa uu tilmaan u yahay rabitaanka guud ee ah in arrimaha lagu xalliyo wada hadal iyo diblumaasiyad," sidaas waxaa wargeyska Asharq Al-Awsat u sheegay wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga Amiir Faysal bin Farxaan.

Wasiirka ayaa xusay in Sacuudiga uu isku diyaarinayo inuu dib u bilaabo xiriirkii uu la lahaa Iran muddo labo bilood ah, mustaqbalkana ay dhici karto booqasho labada dhinac ah.

Isaga oo tixraacaya doorka Shiinaha ee heshiiska, Bin Farhan waxa uu sheegay in Sacuudi Carabiya ay dano wadaag ah kala leeyihiin Beijing iyo Tehraan si ay u abuuraan jawi amni iyo xasillooni oo gobolka ah.

Labada dal ee gacanka Faaris ee deriska la ah ayaa xiriirka isku jaray ka dib markii ergadii dublamaasiyadeed ee Sacuudiga ee Tehran ay weerareen dad careysan bishii Janaayo 2016 ka dib markii la toogtay wadaadka caanka ah ee Shiicada Sacuudiga Sheikh Nimr al-Nimr.

Dowladahan xifaaltanka ka dhaxeeyo waxay ku hawlanaayeen wadahadalo maaratoon ah ilaa Abriil 2021 si loo soo celiyo xiriirkooda. Wadahadallada waxaa garwadeen ka ahaa Ciraaq.

Iran iyo Sacuudi Carabiya ayaa ku heshiiyey Jimcihii lasoo dhaafay in dib loo bilaabo xiriirkii labada dal kadib wadahadalo dhowr maalmood qaatay oo ay fududeysay dowladda Shiinaha ee Mareykanka is-haayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM