Sacuudiga oo fasiraad kale ka bixiyey heshiiska uu la galay Iiraan

Image
Riyadh iyo Tehran ayaa ku heshiiyey Jimcihii lasoo dhaafay in dib loo bilaabo xiriirkii labada dal.

RIYADH, Sacuudi Carabiya - Sacuudiga ayaa Axaddii sheegay in heshiiska uu Iran kula galay dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed "uusan ka dhigneyn in dhammaan qadiyadaha ay isku-hayeen la xaliyay".

"Heshiisku waxa uu tilmaan u yahay rabitaanka guud ee ah in arrimaha lagu xalliyo wada hadal iyo diblumaasiyad," sidaas waxaa wargeyska Asharq Al-Awsat u sheegay wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga Amiir Faysal bin Farxaan.

Wasiirka ayaa xusay in Sacuudiga uu isku diyaarinayo inuu dib u bilaabo xiriirkii uu la lahaa Iran muddo labo bilood ah, mustaqbalkana ay dhici karto booqasho labada dhinac ah.

Isaga oo tixraacaya doorka Shiinaha ee heshiiska, Bin Farhan waxa uu sheegay in Sacuudi Carabiya ay dano wadaag ah kala leeyihiin Beijing iyo Tehraan si ay u abuuraan jawi amni iyo xasillooni oo gobolka ah.

Labada dal ee gacanka Faaris ee deriska la ah ayaa xiriirka isku jaray ka dib markii ergadii dublamaasiyadeed ee Sacuudiga ee Tehran ay weerareen dad careysan bishii Janaayo 2016 ka dib markii la toogtay wadaadka caanka ah ee Shiicada Sacuudiga Sheikh Nimr al-Nimr.

Dowladahan xifaaltanka ka dhaxeeyo waxay ku hawlanaayeen wadahadalo maaratoon ah ilaa Abriil 2021 si loo soo celiyo xiriirkooda. Wadahadallada waxaa garwadeen ka ahaa Ciraaq.

Iran iyo Sacuudi Carabiya ayaa ku heshiiyey Jimcihii lasoo dhaafay in dib loo bilaabo xiriirkii labada dal kadib wadahadalo dhowr maalmood qaatay oo ay fududeysay dowladda Shiinaha ee Mareykanka is-haayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM