Sacuudiga oo go'aan kama dambeys ah kasoo saarey Xajka sanadkan

Image

RIYADH, Saudi Arabia - Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ka mamnuucday dadka debedda ah in ay soo xajiyaan sannadkan, si ay u xakameeyaan fiditaanka feyraska Karoona.

Kaliya tiro aad u kooban oo hadda ku nool boqortooyada ayaa kaqeyb gudan doonta waajibaadkaas, ayaa lagu yidhi bayaan ay soo saartay warbaahinta dowladda.

Qiyaastii laba milyan oo qof ayaa haddii kale booqan lahaa Maka iyo Madiina xagaagan si ay uga u soo xajiyaan waajibadkan sannadlaha ah ee diinta Islaamka.

Waxaa jirtay cabsi laga qabay in Xajka gebi ahaanba la baajiyo.

Waqtiyada caadiga ah ee Xajka ayaa ka mid ah waqtiyada ugu muhimsan jadwalka taariikhda diinta Islaamka. Laakiin kaliya muwaaddiniinta ka kala socota dalalka adduunka ee horeyba u degganaa Sucuudiga ayaa loo oggolaan doonaa inay ka soo qeyb galaan sannadkan.

Mas'uuliyiinta ayaa sheegaya in tani ay tahay habka kaliya ee ay awood ugu yeelan karaan sameynta qorshayaal ay dadku ku kala fogaynayaan, taasoo dadka ka dhigi doonta inay si nabada u cibaadaystaan

Sacuudi Carabiya waxay diiwaangelisay 161,005 xaaladood oo cudurka Karoona ah iyo 1,307 dhimasho ah.

Waa maxay Xajku?

Xajka gudashadiisu waa ugu yaraan hal mar waana mid ka mid ah Shanta tiir ee Shareecada Islaamka - shantaas waajib oo ah ah in qofkasta oo muslim ah, oo caafimaadkiisu wanaagsan yahay isla mar ahaantyaana awoodi kara, ay tahay inuu falo si uu ugu noolaado nolol wanaagsan, sida ay qabto diinta Islaamka.

Xajka ayaa loo aadaa magaalada Makka si ay dadku u hor istaagaan dhismaha loo yaqaan Kabcada, iyagoo falaya cibaadooyin loogu talo galay oo ay ka mid tahay in la ducaysto.

Xukuumadda Riyadh ayaa dhowaan shaaca ak qaadey in ay qaadeyso dhamaan bandowgii dalkaas loogu soo rogay caabuqa dartiisa, talaabadaas oo ay soo dhaweeyeen dadweynaha.

GO + BBC

Related Articles

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM

Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yemen.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 07:06AM