Sacuudiga oo laalay xukunkii dilka toogashada ee kiiska Khashoggi

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Sacuudi Carabiya ayaa waxay meesha ka saartey xukun dil toogasho ahaa oo sideed qof loogu riday dilka wariyihii dibad-jooga ahaa, Jamal Khashoggi, sidda ay ku warantay warbaahinta dowlada.

Shan kamid ah raggaan ayaa loogu bedelay 20-sano oo xarig ah, halka saddexda kale garka loo geliyey 7-10 sano oo jeelka ay ku qaadanayaan.

Sidda laga soo xigtay warka ay faafisay Wakaalada Wararka Sacuudiga, go'aankaan ayaa wuxuu kasoo baxay Xafiiska Xeer-ilaalinta.

Xukunkaan kama dambeysta ah ayaa kusoo hagaagaya xilli wiilasha Jamal Khashoggi ay bishii May sheegeen in ay cafiyeen xukumaneyaasha.

Ururada u dooda xuquuqda aadanaha oo su'aal geliyey shaacinta dowladda laalista xukunka dilka toogashada ayaa tibaaxay in uu sare u sii qaadayo shakiga daahfurnaan la'aanta maxkamadeynta "dambiileyaasha".

Jamal Khashoggi oo la shaqeynayey Majalada Washington Post ee waddanka Mareykanka ayaan dib loo arkin bishii October 2-deeda 2018-kii markii uu galay Qunsulyadda Sacuudiga ku leeyahay magaalada Istanbul.

Mas'uuliyiinta Riyadh ayaa si ku celcelis ah u beeniyey eedaha shirqoolkaas la xiriiriyey dhaxal-sugaha awooda badan ee Maxamed bin Salmaan.

Khaarijinta Jamal Khashoggi ayaa gilgishay aduunka, iyaddoo Turkiga uu ku hungoobay isku day uu ku doonayey in uu ku maxkamadeeyo shaqsiyaadkii loo xiray dhacdadaas markii Sacuudiga ku gacan-seyray dalabkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM