Sacuudiga oo xiray Amiirro ku mudaharaaday Madaxtooyada

Image

Sida ay sheegtay Dowladda Sucuudiga, amiirradan aanan magacyadooda la shaacin waxa ay ka cabanayeen laba arrimood.

Waxa aanay ku faraxsanayn inay iyagu iska bixiyaan kharashaadka ay ku isticmaaleen biyaha iyo korontada taas oo qeyb ka ah barnaamijka gunti-iskugiijiska ah.

Qorshahan waxaa soo hindisay dhaxal sugaha da'da yare ee leh hammiga dheer ee Maxamed Bin Salmaan.

Waxa ay dalbadeen in magdhaw laga siiyo wiil ay ilma adeer yihiin oo la dilay laba sanno ka hor.

Markii ay diideen inay qasriga madaxtooyada ka baxaanna waa la xiray oo hadda waxay sugayeen maxkamad.

Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Sacuudiga ayaa sheegay in qof walba ay tahay in lala xisaabtamo iyadoon la eegayn xilka uu hayo.

In lagu xiray xabsi si weyn loo ilaalinayo ayaa waxay wax badan ka duwan tahay habka loola dhaqmay ku dhawaad laba boqol oo amiir,

Saraakiil sarsare oo Dowladda ka tirsan iyo ganacsato ayaa bishii Novembar ee la soo dhaafay lagu xiray hotel lagu raaxaysto

Arrintaas oo qeyb ka ah waxa loo soo bandhigay inay tahay olole ka dhan ah musuqmaasuqa.

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM