Sacuudiga oo Xuduuda u furay Xujayda Qadar

Image

Warbaahinta dalka Sacuudiga ayaa sheegtay in xukuumada sacuudiga ay xuduuda u furayso dadka u dhashay Qadar si loogu ogolaado in ay gutaan waajibaadka Xajka.

Shaacinta arrintan ayaa timid ka dib markii kulan heer sare ah ay yeesheen dalalka dariska ah tan iyo intii Sacuudiga iyo saddex dal oo kale oo carbeed ay xiriirka u jareen Qadar bishii June.

Waxa ay ku eedeeyeen Qadar in ay taageerto argagixisada - eedeeyntaasi oo dowlada Qadar ay beenisay.

Dowolada Qadar ayaa ku qasbanaatay in shacabkeeda dhan 2.7 milyan ay cunnooyiinka u soo mariso dhanka badda iyo cirka ka dib markii ay Sacuudiga xirteen xuduuda.

Dadka Qadar ee sanadkan gudanaya waajibaadka Xajka ayaa imika loo ogolaaday in ay maraan xuduuda dhanka Salwa sida lagu sheegay bayaan lagu baahiyay wakaalada wararka ee Sacuudiga .

Bayaanka ayaa intaa ku daray in dadkan sidoo kale ay ka soo dagi karaan garoomada Sacuudiga.

Bishii aanu soo dhaafnay ayay ahayd markii xukuumadda Sacuudiga ay uga digtay Xujayda Qadar in ay mari doonaan xadidaad haddi ay doonayaan in ay xajka ka qayb galaan.

Dowladda Qadar ayaa ku eedeeysay Sacuudiga in ay siyaasadaynayso arrimaha Xajka ,waxaa sdioo kale walaac ka muujiyay waaxda qaramada midoobe u qaabilsan arrimaha diinta.

Hasa yeeshee go'anka Sacuudiga ayaa isbadalay ka dib markii ay kulan yeesheen dhaxalsugaha Sacuudiga Maxammed Binu Salman Al Sacuudi iyo wasiir ka socday Qadar Sheekh Cbbdullahi binu Cali binu Cabdullah binu Jassim Al Thani.

Dadka falanqeeya arrimahan ayaa waxa ay sheegeen in khilaafka u dhaxeeyay Qadar iyo dalalka dariska la ah ee Sacudiga ,Baxrayn,Masar iyo imaaraadka uusan wali dhamaan .

BBC

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM