Saddex hub oo Ukraine ka caawin kara in ay ka adkaato Ruushka

Image
Khabiirka arimaha ciidanka ee u dhashay Ingiriiska, Frank Ledwidge, ayaa talooyinkan siiyey xukuumadda Kyiv.

LONDON, UK - Bilo kadib tan iyo markii uu bilawday duulaanka uu Ruushka ku qaaday waddanka Ukraine waxaa socday dagaalo kharaar, kuwaasi oo horseeday in Moscow ay ka baxdo degaanada ku dhaw caasimada Kyiv kadibna magaalada Kherson ee dhacday galbeedka dalkaas.

Balse kadib markii ay isbedeshay cimilada oo ay noqotay qabaw, waxay taasi keentay in dagaaladu ay ka gaabiyaan sidii hore balse waxaa muuqata in dagaalku uusan dhawaanahan dhamaan doonin.

Majalada Newsweek ayaa waydiisay khabiirka arimaha ciidanka ee Ingiriiska, Frank Ledwidge, hubka ay u baahan Ukraine, si ay dagaalka u dar-dar galiso deg degna ugu soo afjarto.

Gaadiidka gaashaaman

Ledwidge oo kasoo shaqeeyay Yurubta Bari, Ciraaq iyo Afghanistan ayaa ku taliyey in lagama maarmaan ay tahay in Ukraine ay hesho gaadiidkaan ayna kaabaan ciidanka dhulka maadaama oo hadii aysan waddan la beegsan karo.

Nidaamka Gantaalaha

Gantaalaha masaafada dheer ee taktiga iyo noocyada loo yaqaan ATACMS ayay u baahan yihiin ciidanka Ukraine maadaama ay gaari karaan jasiirada Crimea, sidda uu aaminsan yahay xeeldheeraha.

Ciidanka badda ee ruushka ayay gantaalahaasi ku khasbi karaan in ay aagaas isaga baxaan ama ugu yaraan ay xaqiiqsadaan in xilli kasta lasoo duqeyn karo.

Awooda dhinaca cirka

Ciidanka Ukraine ayaa kaalmadii ay galbeedka ka helayeen u badnayd mida dhulka iyo difaacyada hawada, balse wuxuu aaminsanyahay Ledwidge in ay u baahan tahay Ukraine diyaaradaha F-16 ama mida ay Sweden samayso ee Saab Gripen si ay u xoojiyaan duulaanka dhanka cirka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Maraakiib Shidaal ku gubtay Hormuz xili Trump soo saarey Digniin Culus

Waxa uu intaas ku daray in Tehran ay faafinayso sheegashooyin been ah oo ku saabsan maraakiib la weeraray iyo miinooyin badeed.

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 07:55AM

Baaritaanka Ilhaan Cumar oo galay marxalad cusub iyo muranka ka taagan dhalashadeeda Mareykanka

Dad badan oo qaxooti ahaan loogu wareejiyay Mareykanka ayaa aqoonsigooda lagu saleeyay….

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 06:43AM