Safiirka Mareykanka ee Shiinaha oo la shaaciyey in uu is-casilayo

Image

WASHINGTON, US – Danjiraha Mareykanka ee Shiinaha, Terry Branstad, ayaa xafiiska faarujin doona horaanta bisha October, sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay safaarada Washington iyo Qunsulyadaha ee China.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka soo baxay Isniinta maanta ah, 73-sano jirkaan ayaa go'aankiisa u xaqiijiyey madaxweyne Donald Trump kadib wadahadalo dhanka telefoonka oo asbuucii hore dhexmaray.

Branstad, gudoomiyihii hore ee gobolka lowa, ayaa xilkaan qabtay 2017-kii, sanadkii ugu horeeyay ee madaxtinimadda Donlad Trump.

Shaqo ka tagistiisa ayaa kusoo hagaageysa xilli cilaaqaadka u dhaxeeya Beijing iyo Washington uu muddooyinkii dambe ahaa mid sii xumaanayey.

Mike Pompeo, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka oo fariin soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayaa si weyn ugu mahadnaqay Branstad.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa sheegay in ay kaliya arkeen fariimaha Twitter-ka, balse aan lagu soo wargelin.

"Kaliya waxaanu ka war-helnay fariimaha lagu baahiyey Twitter-ka, mana helin wargelin la xiriirta in Terry Branstad uu is-casilayo," ayuu Wang Wenbin ku sheegay shir jaraa'id oo uu kaga jawaabay warbixinadaan.

Mareykanka iyo Shiinaha oo safka hore kaga jira dhaqaalaha iyo horumarka caalamka ayaa ku loolaya cidda liijaanka u qabaneysa casriyeynta dunida, iyaddoo mid walba uu u han-qal0-taagayo in uu isaga helo labinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo gaarey Qatar 

Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal Thaani ayaa geeriyooday Axaddii, waxaana dowladda Qatar ku dhawaaqday afar maalmood oo baroordiiq qaran ah.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 01:45PM

Israa’iil oo shan sano xabsi ku xukuntay askari lagu helay inuu basaas u ahaa Iran

Mas’uuliyiinta Israa’iil ma shaacin aqoonsiga askariga ama faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xogta uu la wadaagay Iiraan.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 10:51AM