Sarkaal ka goostey ciidanka Sacuudiga oo soo saarey qaylo-dhaan

Image
Safaaradda Sacuudiga ee UK kama aysan jawaabin codsi uga yimid wariyeyaasha oo ku saabsan xaaladda ninkan.

LONDON, UK - Kornayl ka tirsan booliiska Sucuudiga oo si cad u dhaleeceeyay hoggaanka boqortooyada tan iyo markii uu goostay horaantii bishan ayaa sheegay in uu naftiisa u baqayo kadib markii abaalmain la dul-dhigay madaxiisa.

Rabih Alenezi, oo 44 jir ah, ayaa Middle East Eye u sheegay in uu la xiriiray Booliska Magaalada London Axadii ka dib Twitter-ka lagu faafiyey macluumaad madaxiisa lagu dul-dhigay $2,662.

"Toban kun oo Riyaal Sucuudi ah ayaa la siin doonaa qofkii hela meesha uu ku sugan yahay qofkan," ayaa lagu yiri qoralka oo Carabi ku qoran. "Baadigoobka ayaa socda," ayaa lasii raaciyey.

Taageerayaasha xukuumadda Riyadh oo aad u faafiyey qoraalka iyo sawirka lasoo raaciyey ayaa lacagta ku daray 1,000 riyal ($266) waxayna tilmaameen in uu "ku dhuumanayo xaafado ka tirsan London".

"Runtii aad ayaan u cabsanayaa," ayuu Alenezi yiri Isniintii. "Waxaan ka baqayaa, gaar ahaan Carabta, ajnabiga, qof albaabka soo garaacaya, xitaa marka aan qubaysto."

Safaaradda Sacuudiga ee UK kama aysan jawaabin codsi uga yimid wariyeyaasha oo ku saabsan xaaladda ninkan. Dhanka kale, xaalada Alenezi waxaa si taxadar leh u eegaya mucaaradada kale ee Sacuudiga ee UK.

Sacuudiga ayaa si weyn waxaa loogu dhaleeceeyaa in uu beegsado qurba-joogta mucaaradka ku ah hogaanka boqortooyadda waxaana aad loo xasuustaa dilka loo maleegay saxafiga caanka ahaa ee Jamal kaasoo kiiskiisa wali jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM