Sarkaal lagu helay dhacdo gilgishay Mareykanka oo la xukumay

Image
Alexander Kueng oo qirtey fal-dambiyeedkan ayaa waxa uu xabsi ku jiraa muddo saddex sano iyo bar ah.

WASHINGTON, USA - Askari hore oo ka tirsan booliiska Minneapolis oo qoorta uga jilba-joogsadey nin madow ah, George Floyd, ayaa lagu xukumay saddex sano iyo bar oo xarig ah kadib markii lagu dilay geerida ruuxaas.

Alexander Kueng waxa uu qirtay danbiga ay dawladdu ku soo oogtay ee ah caawinta iyo gacan ka hadalka dilka darajada labaad ee October. Wuxuu kamid ahaa afar sarkaal oo kasoo muuqdey muquaal aad u faafay.

Dhimashadda Floyd ayaa waxay dhalisay caro caalami ah iyo mowjado mudaaharaad ah oo looga soo horjeedo cadaalad darada isir-naceybka iyo arxan-daradda booliiska.

Kueng ayaa ku dhameysan doona xukunkiisa cusub dacwadaha looga soo jeediyey gobolka xilli ay jiraan xukuno kale oo ay horey ugu riday maxkamad federaal oo ah ku xadgudubka xuquuqda madaniga ah ee Mr Floyd.

Bishii Abriil 2021, sarkaal hore oo bilays ah Derek Chauvin ayaa lagu helay dambi ah dil kadib markii uu qoorta uga  jilba joogsaday Mr Floyd in ka badan sagaal daqiiqo waxaana lagu xukumay 22 sano iyo badh oo xabsi ah.

Wuxuu xukunkaas si isku mid ah u qaadanayaa 20 sano oo xarig ah oo lagu soo oogay eedeymo xuquqda madaniga ah ee federaalka, kaas oo uu qirtay dambiga Diseembar 2021.

Bishii Febraayo, Kueng, oo ay weheliyaan laba sarkaal kale, Thomas Lane iyo Tou Thao, ayaa sidoo kale lagu helay eedeymaha xuquuqda madaniga ah ee federaalka.

Saraakiisha ayaa lagu soo oogay dacwad ah inay si ula kac ah u danaynayeen dhibaateynta caafimaadka Mr Floyd intii lagu jiray isku daygoodii ahaa in ay xirana balse sababay in ay nolosha u aqoonsadaan Floyd taasoo gilgishay Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM