Sarkaal u dhashey dalka Kenya oo maydkiisa laga heley Somalia

Image

MANDHERA 25 April, 2015 ( GO)- Sarkaal u dhashey dalka Kenya oo laga afduubey Khamiistii la soo dhaafey Woqooyiga Kenya ayaa maydkiisa laga heley gudaha dalka Somalia, sidaas waxaa xaqiijiyey qoykiisa qof kamid ah.

"Maydka sarkaalkaan ayaa laga heley xuduudka Somalia, " sidaa waxaa saxaafada u sheegey Rashid Xaaji oo hadley qoyska sarkaalkaan.

Mukhtar Maalim Aadan oo madax u ahaa halka la yiraahdo Arabia, degaan hoos yimaada Madera, ayaa waxaa afduubey koox Al-shabaab ah isaga oo u kala safraya magaalooyinka Arabia iyo Mandera.

Ku-xigeenka Mukhtar Maalim, Cabdi Nuur oo la safrayey marxuumkaan balse u suurta-gashey inuu ka baxsado kooxdaas weerarka soo qaadey.

"Odayaasha degaanka Arabia ayey u suurtagashey iney daba-galaan kooxda afduubtey Mukhtar Maalim balse markii ay codsadeen siideyntiisa waxey ugu jawaabeen iney toogtaan." sidaas waxaa saxaafada u sheegey mid kamid ah odayaashaan oo diidey magciisa in la sheego. 

Wadada u dhexeysa Mandheera- Arabia ayaa waxaa aalaaba gala kooxda Al-shabaab kuwas oo bartilmaameedsada saraakiisha gobolkaas.

Kooxda Al-shabaab ayaa horey isugu dayey iney dilaan gudoomiyaha gobolka Mandhera kadib markii wadada u galeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM