Saxafi caan ah oo ka badbaadey isku-day khaarijin ah

Image
Wariyaha ayaa isbitaal loola cararay si looga daaweyo dhaawacyo culus oo soo gaarey.

POR-AU-PRINCE, Haiti - Wariye caan ah oo u dhashay dalka Haiti ayaa ka badbaaday isku day dil oo lagu rasaaseeyay gaarigiisa xili uu ku sii jeeday goobtiisa shaqo ee magaalada caasimada ah ee Port-au-Prince Talaadadii, sida ay saraakiisha ammaanka sheegeen.

Roberson Alphonse, oo ka shaqeeya wargeyska maalinlaha ah ee Le Nouvelliste iyo raadiyaha Magik9, ayaa isbitaal loo dhigay dhaawacyo soo gaarey, sida uu sheegay Frantz Duval, tafatiraha guud ee labada warbaahin.

Dhacdadan ayaa muujinaysa xaaladda ammaan ee sii xumaanaysa ee waddan ay ragaadiyeen rabshado. Wasaaradda Dhaqanka iyo Isgaarsiinta ee Haiti ayaa sheegtay in ay “si argagax leh u ogaatay warka isku dayga dilka ah” ee ka dhacay xaafadda Delmas.

"Dadaalka uu ku bixiyey in uu ahaado mid dhexdhexaad ah, iyo dareenkiisa qummanaanta ayaa ka dhigaya mid ku dayasho mudan dhanka xirfadda," ayay wasaaraddu ku tiri hadal ay soo saartay.

Weerarka Alphonse ayaa imaanaya todobaadyo un kadib markii hogaamiyayaasha Haiti ay codsadeen in si deg deg ah loogu soo diro ciidamo amni oo ajnabi ah iyadoo wadanku uu wajahayo qalalaase aan horay loo arag.

Sidoo kale Talaadadii, mas’uuliyiintu waxay heleen meydka weriye kale oo la la’aa dhowr maalmood. Weeraradan ayaa imaanaya in ka badan hal bil ka dib markii labo wariyesi xun loo toogtay kadibna meydkooda dab la qabadsiiyay.

Saxafiyiinta oo lagu kala magacaabayey Tayson Latigue iyo Frantzsen Charles  ayaa la beegsadey xilli ay ka warbixinayeen xaafadaha isku raranka ah ee ay gacanta ku hayaan kooxo burcad ah. Dowladda ayaa si xooggan waxay u cambaareysay falkan "wuxushnimadda ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM