Senator horay oo loo xiray dilka madaxwaynihii Haiti

Image
Mr Moïse ayaa la toogtay 7-dii Luulyo, waxaana khaarijiyey rag hubeysan oo weerar ku qaaday hoygiisa.

PORT-AU-PRINCE, Haiti - Mas'uuliyiinta dalka Jamaica ayaa xabsi u taxaabay Senatar hore oo reer Haiti ah kaas oo si weyn looga shakisan yahay in uu wax ka oggaa dilkii madaxweynihii Haiti, Jovenel Moïse.

John Joel Joseph ayaa la xiray Jimcihii, sida uu sheegay afhayeenka ciidamada Constabulary Force ee Jamaica Dennis Brooks. Wallow uusan bixin tafaasiil dheeraad ah.

Mr Moïse ayaa la toogtay 7-dii Luulyo, waxaana khaarijiyey rag hubeysan oo weerar ku qaaday hoygiisa gaarka ah oo ku yaalla caasimadda Haiti ee Port-au-Prince.

Taliyihii Bilayska Qaranka ee xilligaas Leon Charles ayaa sheegay in doorka shirqoolkaas Mr Joseph uu ahaa in uu keenay hub iyo kulamo la qorsheeyay.

Mr Brooks ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo in xariga uu dhacay kadib codsi ka yimid FBI-da Mareykanka oo iyaduna baaritaan ku wada qaabka uu u dhacay dilkaas.

Warbixin baaritaan oo ka kooban 124 bog oo bilayska Haiti daabacay ayaa lagu sheegay in Mr Joseph "uu gacan weyn ka geystay in uu dilo madaxweynaha", sida ay sheegtay Miami Herald.

Mario Antonio Palacios oo hore uga tirsanaan jiray militariga Colombia ayaa lagu soo oogay Mareykanka horaantii bishaan inuu qeyb ka ahaa qorshahan.

Iyadoo dhowr jeer lagu xiray Haiti oo lala xiriirinayo dilka, Mr Palacios ayaa ahaa tuhmanihii ugu horreeyay ee wajahaya eedeymo. Kor u kaca rabshadaha ee Haiti iyo xaalad dhaqaale xumo oo dalka ka jirta.

Intaas waxaa u sii dheeraa oo xaaladda uga sii daray markii ay dhaceen masiibo dabiici ah sannadihii la soo dhaafay waxaana ay horseedeen in tiro sii kordheysa oo Haiti ah ay fursado ka raadsadaan dalal kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo kulan qarsoodi ah la yeeshay Netanyahu gudaha Israa’iil

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in aysan isla markiiba si madax-bannaan u xaqiijin karin booqashada.

  • Caalamka

    20-10-2026

  • 05:36AM

Christiane Amanpour oo ku dhawaaqday inay ka tagayso CNN kaddib 43 sano

Waxa uu sheegay in telefishinku waqti siin doono u dabbaaldegga shaqadeeda iyo waxqabadkeeda ka hor inta aysan sannadka soo socda ka tegin.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:37PM