Senator mucaarad ah oo loo xiray qoraal uu ku faafiyey Twitter-ka

Image
Azam Swati ayaa ah sharci-dejiye ka tirsan xisbiga Ra'iisul Wasaarihii hore Imran Khan ee Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI).

ISLAMABAD, Pakistan - Hogaamiye sare mucaarad ah ayaa lagu xiray Pakistan kadib qoraal uu ku sifeeyay "foolxumo iyo cabsi-geliye" madaxa ciidamada milatariga, Qamar Javed Bajwa, oo ah Jeneraal awood badan.

Azam Swati, oo ah sharci-dejiye ka tirsan xisbiga Ra'iisul Wasaarihii hore Imran Khan ee Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI), ayaa Hay'adda Dambi Baarista Federaalka (FIA) ku xirtey caasimadda Islamabad aroornimadii Khamiista maanta ah.

Qareenka Swati Babar Awan ayaa sheegay in guriga siyaasiga lasoo weeraray goor dambe oo habeenimo ah iyada oo aan amar baaritaan la haysan. "Waa la xiray oo loola dhaqmay sidii argagixiso," ayuu Awan ayaa u sheegay Al Jazeera, isagoo raaciyay in waddanku noqday "Fashiste".

Qoraalka uu Swati soo dhigay bartiisa Twitter-ka fiidnimadii Arbacada waxa uu jawaab u ahaa maxkamad ku taal magaalada Lahore oo ku xukuntay ra’iisal wasaaraha xilka haya Shehbaz Sharif iyo wiilkiisa Hamza Shehbaz "kiis lacag la dhaqay".

Senatar-ka 66-jirka ah wuxuu la hadlay Bajwa, isagoo ugu hambalyeeyay "qorshihiisa" ee shaqeynaya wuxuuna sheegay in "dambiilayaasha" ay xor yihiin.

FIA, oo xirtey Swati iyada oo cuksaneysa sharciga dambiyada internet-ka, ayaa sheegtay in qoraal uu ahaa "isku day laga soo shaqeeyay" oo lagu beerayo "nacayb ay dadka iyo ciidamadda u qaadaan Taliyaha Ciidanka iyo ciidamada Pakistan".

Milateriga Pakistan ayaa dalka xukumayay in ka badan kala bar 75-kii sano oo uu waddankan yahay mid madax-bannaan. Dad badan ayaa u arka in hay’addani tahay xarunta dhabta ah ee awoodda siyaasadeed ee qarankan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM