Shan qodob oo ay tahay in ay ka ogaato dagaalka Ukraine
MOSCOW, Russia – Ciidamada Ruushka ee duulaanka ku jooga dalka Ukraine ayaa kaabiga ku haaya caasimada Ukraine waxa ayna wadaan dhaq-dhaqaaqyo muuqda oo ay ku doonayaan in ay kula wareegaan magaaladda Caasimadda ah ka dib markii weeraro cirka ah ku qaadeen magaaladda iyo saldhigyo ciidan oo ku yaala dalkaas.
Jugta madaafiicda joogtada ah ayaa laga maqlayay magaalada Kyiv saacadihii hore ee Sabtida, kuwaasoo ka imaanayay meel aan la cayimin oo waxyar u jirta bartamaha magaalada, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.
Weerarka, oo ay reer galbeedku filayeen toddobaadyo, ayaa ah iskahorimaadkii dhulka ee ugu weynaa Yurub tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Ma cadda inta uu le'eg yahay khasaaraha kala gaaray labada dhinac.
Iyadoo ay sii kordhayaan calaamadaha muujinaya in Ruushku uu doonayo in uu afgambiyo wadankaan, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa u sheegay hogaamiyayaasha Midowga Yurub u soo diray muuqaal laga soo duubay godkiisa gelinkii dambe ee Khamiista kaas oo uu ku sheegay in laga yaabo in ay tahay markii ugu dambeysay ee ay arkaan isagoo nool.
Laakiin Jimcihii, Zelenskyy ayaa sii daayay muuqaal isaga iyo kaaliyayaashiisa sare ee bannaanka xafiiska madaxtooyada ee Kyiv si uu ugu xaqiijiyo dadka Ukraine in isaga iyo madaxda kale ee sare ay sii joogi doonaan caasimadda.
Waxa uu markii dambe codsaday xabbad-joojin, wuxuuna ka digay dhibaato ba’an oo ka dhalata weerarka Ruushku ku haayo Kyiv iyo magaalooyinka kale ee dalka.
Milatariga Ruushka ayaa Jimcihii sheegay in ay isku gadaameen magaalooyinka Sumy iyo Konotop ee waqooyi bari Ukraine balse ay "qaadayaan tillaabooyin lagu xaqiijinayo ammaanka dadka rayidka ah".
Afhayeenka Wasaaradda Difaaca ee Ruushka, General Igor Konashenkov, ayaa sheegay in ciidamadoodu ay ilaa hadda burburiyeen 211 goobood oo ciidamada Ukraine ah, oo ay ku jiraan 17 xarumood oo taliska ah, 19 gantaalada difaaca hawada, 39 radar, 67 taangiyo ah iyo lix diyaaradood oo kuwa dagaalka ah.
Milatariga Ruushka ayaa sidoo kale sheegay in ay qabsadeen garoon diyaaradeed oo istaraatiiji ah oo ka baxsan Kyiv, taas oo u sahashay in ay si deg deg ah u dhistaan ciidamada la wareegaya caasimadda.
Gelinkii dambe ee Jimcihii, ciidamada Ruushka ayaa sheegay inay la wareegeen Melitopol, oo ah magaalo u dhow badda Azov. Sheegashada isla markiiba si madax banaan looma xaqiijin karo.
Milateriga Ukraine ayaa soo sheegay inay soo rideen diyaarad II-76 oo Ruush ah oo ay la socdeen ciidamo gurmad ah meel u dhow Vasylkiv, oo ah magaalo 40km (25 mayl) koonfur ka xigta Kyiv. Ma cadda tirada dadka saarnayd, laakiin II-76 waxa ay awood u leedahay in ay qaado ilaa 125 askari.
Ravina Shamdasani, oo ah afhayeenad u hadashay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka, ayaa sheegtay in shaqaalaheedu ay ilaa hadda xaqiijiyeen ugu yaraan 25 dhimasho ah oo rayid ah iyo 102 dhaawac ah, kuwaas oo u badan duqaymo iyo weerarro cirka ah.
Afhayeen u hadashay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga, Shabia Mantoo, ayaa sheegtay in in ka badan 100,000 oo qof la rumeysan yahay inay ka tageen guryahoodii Ukraine “ilaa 4 milyan oo qof ayaa laga yaabaa inay u qaxaan dalal kale haddii xaaladdu ay sii xumaato”.
Ruushka ayaa diidmada qayaxan ku diiday qaraar Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu Jimcihii ku dalbanayay in Moscow ay si deg deg ah u joojiso weerarrada ay ku hayso Ukraine, ayna kala baxdo dhammaan ciidammada. Codeynta ayaa noqotay 11 cod, iyadoo Ruushka uu diiday, halka Shiinaha, India iyo Imaaraadka Carabta ay ka aamuseen.
Fashilka qaraarka uu Maraykanku soo diyaariyay waxa uu u gogol xaarayaa in taageerayaashu ay ku baaqaan in si degdeg ah loogu codeeyo qaraar la mid ah 193-ka xubnood ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, halkaas oo aanay ka jirin diidmo qayaxan. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay jadwalka doorashada golaha.
Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale qorsheynaysa inay raadiso in ka badan $1bn oo deeq ah oo loogu talagalay gargaarka bini'aadantinimo ee Ukraine saddexda bilood ee soo socota, madaxa bini'aadantinimada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay Jimcihii.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in Midowga Yurub uu go'aansaday bixinta gargaar "aan horay loo arag" 1.5 bilyan oo Yuuro ($ 1.69bn) oo gargaar dhaqaale ah oo loogu talagalay Ukraine.
Waa kuwaan qodobada ugu waawayn;-
- Ciidamada Ruushka ayaa weeraray saldhiga milatari ee Kyiv, waa la iska caabiyay, sida ay sheegeen ciidamada Ukraine.
- Ruushka ayaa diidmo qayaxan ku diiday qaraar Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku cambaareeyay weerarka uu ku qaaday Ukraine.
- Afhayeen u hadlay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu Ruushka kala hadlo xabbad joojin iyo nabad.
- Maraykanka ayaa sheegay in uu cunaqabatayn doono madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo wasiirka arrimaha dibadda Sergey Lavrov.
- Ciidamada Ruushka ayaa ku sii siqaya caasimadda Ukraine ee Kyiv, xilli ay sii wadayaan weerarada ay ka geysanayaan dalkaasi.
- Putin ayaa ku baaqay in militariga Ukraine ay xukunka ka tuuraan dowladda dalkaas.
- Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan 50,000 oo reer Ukraine ah ay u qaxeen dalal kale tan iyo markii uu dagaalku billowday
Duullaanka Ukraine ayaa bilowday subaxnimadii hore ee Khamiista iyadoo weeraro gantaallo ah lagu qaaday magaalooyinka iyo saldhigyada militariga, waxaana xigay weerar dhinacyo badan leh oo dhanka dhulka ah oo lagu soo qaaday ciidamo ku sugnaa aagagga goboladda gooni u goosadku haystaan ee bariga; oo ka yimid gobolka koonfureed ee Crimea, oo Ruushku qabsaday 2014; iyo Belarus ilaa waqooyiga.
GAROWE ONLINE