Shiinaha oo Buuxinaya Doorkii USAID ee Gargaarka Caalamiga ah

Image

GO – Beijing – Dowladda Shiinaha ayaa muujisay inay diyaar u tahay inay kor u qaaddo doorkeeda gargaarka caalamiga ah, xilli dalka Maraykanku uu dhimay ama joojiyay mashaariic badan oo horumarineed oo uu ka waday dunida.

Afhayeen u hadlay Hay’adda Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah ee Shiinaha (CIDCA), Li Ming, ayaa sheegay in Shiinuhu uu sii wadi doono wadashaqeyn uu la leeyahay wadamada horumaraya iyo kuwa hurumarsan, isagoo ku baaqay iskaashi dheelitiran oo ku saleysan dan guud.

Hadalkan ayaa yimid kadib warbixino sheegaya in hay’adda USAID ay hakisay mashaariic muhiim ah oo ka socday dalal badan. Li ayaa arrintaas ku tilmaamay mid dhaawacaysa kalsoonidii dalalka saboolka ah ku qabeen deeq bixiyeyaasha reer galbeedka.

Shiinaha ayaa horey u hirgeliyay in ka badan 160 mashruuc oo horumarineed, ku baahsan 60 dal, kuna baxday in ka badan $4 bilyan, iyadoo la sheegay in dad ka badan 30 milyan oo qof ay ka faa’iideen.

Sidoo kale, Beijing ayaa xoojisay wada shaqeynta ay la leedahay hay’ado caalami ah sida UNDP, OECD, iyo qaar ka mid ah samafalayaasha waaweyn sida Gates Foundation. Shiinuhu wuxuu sidoo kale diyaariyay sanduuq cusub oo gaaraya $14 bilyan si loogu maalgeliyo mashaariicda horumarinta cusub.

Shiinaha wuxuu sheegay in mustaqbalka uu diiradda saari doono horumarka dhanka dhaqaalaha digitalka, sirdoonka macmalka ah, hawada sare iyo dhaqaalaha badaha, taasoo muujinaysa in uu doonayo inuu qaabeeyo wejiga cusub ee gargaarka caalamiga ah.

Garowe Online – Beijing

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM