Shiinaha oo ku biiray shirka OIC ee ka bilowday Pakistan
ISLAMABAD, Pakistan – Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa Isniintii shalay ku biiray ka qeyb galka shirweynaha 48-aad ee Wasiirada Arrimaha Dibadda Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), wuxuuna wada hadallo la yeeshay dhiggiisa Pakistan Shah Mahmood Qureshi oo ay ka wada hadleen arrimo khuseeya danaha labada dal.
Pakistan waxa ay martigelinaysaa Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda (CFM) ee OIC kaas oo loo qorsheeyay in uu socdo March 22-23, Xafiiska Arrimaha Dibadda ayaa bayaan ku sheegay.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Qureshi ayaa Wang ku casuumay marti qaad gaar ah inuu kala soo qayb galo shirka labada maalmood ah ee ka dhacaya Pakistan March 22 ilaa 23.
Xubin ka tirsan golaha deegaanka Shiinaha ahna wasiirka arrimaha dibadda Wang ayaa booqday xafiiska arrimaha dibadda, wuxuuna kala hadlay Qureshi arrimo kala duwan oo khuseeya danaha labada dhinac.
Wuxuu kaloo la kulmi doonaa Madaxweyne Arif Alvi iyo Ra'iisul Wasaare Imran Khan, ayay yiraahdeen.
Ka qaybgalka shirka ka dib, Wang ayaa la filayaa in uu ka qayb galo dhoola tuska maalinta Pakistan, oo uu goob joog ka ahaado bandhigga gaarka ah ee diyaaradaha dagaalka ee J-10C ee casriga ah ee uu Shiinaha sameeyay.
Dhanka kale, waxaa dalkaan soo gaaray dhowr wasiir arrimo dibadeed iyo wufuud ka kala socotay dalalka OIC, goobjoogeyaal iyo wakiilo ka socday hay’adaha caalamiga ah si ay uga qaybgalaan kulanka.
Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Hissein Brahim Taha ayaa sidoo kale yimid ka qeyb galka shirka OIC.
Taha oo la hadlaysay warfidiyeenada ayaa sheegay in golaha guud ee Qaramada Midoobay uu dhawaan ansixiyay in 15-ka March ay noqoto maalin ka dhan ah Islaam naceybka taasi oo ah horumar weyn.
Wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Masar, Soomaaliya, Niger, Gambia, Bangladesh, Uganda, Tunisia, Tajikistan, Guinea Bissau, Cote d'Ivoire iyo Bosnia ayaa gaaray Islamabad.
Wafuud ka kala socota Indonesia, Asarbayjan, Libya, Malaysia iyo Mozambique ayaa sidoo kale gaaray dalkaan. Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta Islaamka Mohammad Sulaiman Al Jasser ayaa sidoo kale u yimid ka qeyb galka kalfadhiga 48-aad ee OIC.
Ra'iisul Wasaare Imran ayaa khudbadda ugu muhiimsan ka jeedin doona Fadhiga Furitaanka ee 22-ka Maarso. Wasiirka Arrimaha Dibadda Qureshi ayaa guddoomin doona CFM.
Gabadha uu dhalay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Nawaz Sharif Maryam Nawaz ayaa Isniintii sheegtay in hogaamiyaha PML-N Shehbaz Sharif uu noqon doono musharaxa xisbiga ee bedeli doona Ra’iisul Wasaare Imran Khan hadii mooshin kalsooni la’aan ah la horgeeyo baarlamaanka, sida ay sheegtay warbaahintu.
Maryam, oo ah madaxweyne ku xigeenka xisbiga Pakistan Muslim League-Nawaz (PML-N), ayaa sheegtay in mucaaradku ay "farixi doonaan oo ay go'aan ka gaari doonaan" magacaabista musharraxa soo socda ee ra'iisul wasaaraha laakiin xisbigeedu uu soo magacaabi doono Shehbaz, The Express Tribune ayaa sheegtay.
GAROWE ONLINE