Shiinaha oo u yeeray safiirka Japan kadib martigelinta shirkii G7

Image
Beijing ayaa si weyn u weerartay kulan madaxeedkan oo ay ku tilmaamtey mid iyadda lagu beegsaday.

BEIJING, China - Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Shiinaha, Sun Weidong, ayaa u yeertay safiirka Japan u fadhiya dalkaas si uu ugu gudbiyo mowqifka China ee ku wajahan "buunbuuninta arrimaha la xiriira Shiinaha".

Su'aallo waydiinta danjiaha Japan ayaa ka dambeysay markii shirka kooxda toddobada ah (G7) ee bilowgii todobaadkan lagu cambaareeyay xadgudubyada Shiinaha ee dhanka xuquuqda aadanaha.

Madaxda wadamada ugu qanisan caalamka oo kulan ku yeeshay magaalada Hiroshima ee dalka Japan ayaa walaac xoogan ka muujiyay xiisadaha sii kordhaya ee ka taagan badda bariga Shiinaha iyo badda koonfurta Shiinaha.

Sidoo kale, dowladahan uu ugu tun weyn yahay Mareykanka ayaa waxay muujiyeen walaaca ay ka qabaan xaaladaha xuquuqul insaanka ee Shiinaha oo ay ku jiraan gobolada Tibet iyo Xinjiang.

Sun ayaa sheegtay in Japan ay iskaashi la samaysay wadamada kale ee G7 "si ay u ceebeeyaan oo u weeraraan Shiinaha, oo faragelin qaawan ku sameeyaan arrimaha gudaha ee Shiinaha".

"Ku xad-gudbida mabaadi'da aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah iyo ruuxa afarta dukumeenti siyaasadeed ee u dhexeeya Shiinaha iyo Japan ayuu baalmarsan yahay hab-dhaqankan," ayay raacisay hadalkeeda.

War murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen wadamada G7 ayaa si gaar ah Shiinaha uga hadlay arimo ay ka mid yihiin Taiwan iyo sheegashada badda ee ku aadan in lagu qasbo dhaqaale iyo xuquuqul insaanka.

Talaabadan ayaa, sidda ay aaminsan yihiin falanqeeyeyaasha, waxay hoosta ka xariiqday xiisada u dhaxeysa Beijing iyo kooxda wadamada qaniga ah oo uu ku jiro Mareykanka taasoo isku-badali karta iska-aargoosi siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Serbia: Xiriirka Yurub iyo Mareykanka wuxuu gaarey meeshii ugu xumayd

Warbixinno cusub ayaa sidoo kale xaqiijinaya in Mareykanka uu qorsheynayo in uu kala baxo ku dhowaad 5,000 oo askari oo ku sugnaa Jarmalka.

  • Caalamka

    03-05-2026

  • 12:27PM

Boqorka Bahrain oo Iran ugu baaqay inay joojiso faragelinta dalalka Khaliijka

Boqorka ayaa sidoo kale digniin culus u diray dadka u dhashay dalkiisa ee la shaqeeya cadawga shisheeye.

  • Caalamka

    02-05-2026

  • 11:51AM