Shilin dahab ah lana qariyey qarnigii todobaad oo la helay

Image
Khubaro qaabilsan cilmiga qadiimiga ayaa ka helay magaalo ay qabsadeen Muslimiinta qarnigii 7aad.

TEL AVIV, Israel - Khubarada cilmiga qadiimiga ah ee Israa’iil ayaa sheegay in 44 xabo shilin oo dahab ah oo saafi ah oo la xidhiidhay qarnigii 7aad laga helay gidaar ku yaalla kaydka dabiiciga ah.

Miisaankiisu wuxuu dhan yahay 170g kaydkan laga helay goobta Hermon Stream (Banias) ayaa la qariyay intii lagu jiray qabsashadii Muslimiinta ee aagga 635, sidda ay qiyaasayaan khubarada.

Waxa ay sheegeen in lacagta shilinka ah ay iftiiminayso dhamaadka xukunkii Byzantine ee deegaanka.

Boqortooyada Byzantine waxay ahayd qaybta bari ee Boqortooyada Roomaanka, taas oo badbaaday in ka badan 1,000 sano.

"Waxaan qiyaasi karnaa milkiilaha uu lacagta ka qariyey hantidiisa khatarta dagaalka, isagoo rajeynaya inuu soo laabto maalin maalmaha ka mid ah si uu u soo saaro hantidiisa," ayuu yiri Yoav Lerer, oo kamid ah khuburadda.

Marka laga reebo helitaanka dahabka ah, gidaarka la qodey - oo ku yaal meel rubuc ka mid ah magaalada qadiimiga ah - ayaa sidoo kale daaha ka qaaday haraadiga dhismayaasha, kanaalada biyaha iyo tuubooyinka, qadaadiicda naxaasta ah iyo waxyaabo kale oo badan, sidda ay sheegeen mas'uuliyiinta Israa'iil.

Banias ayaa waxay leedahay meel gaar u ah dhaqanka Masiixiyiinta ah, ayaga oo ku sheega goobtii la wariyey in Nabi Ciise ugu sheegay Butros, "Dhagaxa dushiisa, waxaan ka dhisi doonaa kaniisaddayda".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shiinaha oo xukun dil ah ku fuliyay 4 Muwaadin oo u dhashay Canada

Inkastoo dilalka muwaadiniinta reer galbeedka ee Shiinaha ay yihiin kuwo aan sidaas u badnayn, afarta muwaadiniin ee Canadian ah.

  • Caalamka

    20-03-2025

  • 12:19PM

Trump oo faafinaya xogo ku saabsan dil loo geystay Madaxweynihii Mareykanka 1963

Kennedy waxaa lagu toogtay inta uu ku jiray booqasho magaalada Dallas, Texas, taariikhdu markay ahayd 22kii Nofeembar 1963.

  • Caalamka

    19-03-2025

  • 12:21PM