Shir dhexmaray Wasiirada Arrimaha Dibadda Iiraan iyo Sacuudiga oo ka dhacay Jeddah

Image
SAWIR HORE

JEDDAH, Sacuudiga - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Hossein Amir Abdollahian, ayaa xaqiijiyay in uu wadahadal hufan, daahfuran oo miro dhal ah uu Jimcihii kula yeeshay magaalada Jeddah dhaxal-sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed bin Salmaan.

Waana booqashadiisa ugu horreysay oo Boqortooyada Sacuudiga ku tago tan iyo markii uu dib u soo laabtay xiriirka labada dal bishii March ee la soo dhaafay.

Amir Abdollahian, oo khamiistii booqasho hal maalin ah uga bilaabatay Sacuudiga, waxa uu bartiisa “X” ku qoray in kulanka socday 90-daqiiqo lagu lafa guray arrimaha gobolka.

“Dariiqa ay wadamada gobolku guul ku gaaray karaan waa in la xoojiyo wada-hadallada iyo iskaashiga ku jihaysan horumarka," ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan oo uu soo xigtay Abdollahian.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Sacuudiga ayaa dhankeeda sheegtay in wasiirka Iiraan oo u soo bandhigay dhaxal-sugaha Sacuudiga fursadaha mustaqbalka ee hor yaala xiriirka labada dal iyo siyaabaha lagu horumarin karo.

Wakaalladda Wararka Iiraan ee “IRNA” ayaa sheegtay inay tahay markii ugu horreysay oo Sarkaal sare ka so jeeda Iiraan uu la kulmo Dhaxal-sugaha Sacuudiga.

Shir jaraa’id oo uu Khamiistii ku qabtay magaalada Riyadh, ayuu Amir Abdollahian ku xaqiijiyay in xiriirka Sacuudiga iyo Iiraan uu marayo wadada saxda ah.

Wuxuuna soo jeediyay fikrad ah in wada-shaqeyn heer gobol ah oo uu la yeesho dhiggiisa Sacuudiga, Faysal bin Farxaan, isagoo aan bixin faahfaahin intaas dheer.

Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in kulanka uu la qaatay Bin Farxaan uu noqon doono mid horudhac u ah kulanka madaxda labada dal, isagoo aan cayimin xilliga ay booqashadaas imaan doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan: Netanyahu Waa Caqabadda Ugu Weyn ee Nabadda Gobolka Bariga Dhexe

Ka hor hadalkii Erdogan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay gobolka ku wado.

  • Caalamka

    21-06-2025

  • 01:56PM

Ugu yaraan 430 Rayid ah oo lagu dilay Duqeymaha Israel ee dalka Iran

Dhanka Israa’iil, mas’uuliyiinta waxay sheegeen in 24 qof oo rayid ah lagu dilay weerarro gantaalo ah oo Iran ku qaaday gudaha Israa’iil.

  • Caalamka

    21-06-2025

  • 12:14PM