Shirka Jaamacadda Carabta oo ka furmay Jordan

Image
Image
Image
Image

AMMAN, Jordan - Shir madaxeedka 28-aad ee Ururka Jaamacada carabta ayaa maanta ka furmay magaalada Amman ee xarunta dalka Jordan, kaasoo hogaamiyaasha uga hadlayaan arrimo ay kamid yihiin Abaarta Somalia.

Kulankan waxaa ka qeybgalay wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka jeedin doono Khudbad uu uga warbixinayo xaaladda dalka Somalia.

Madaxweynaha Somalia ayaa ka helay casuumad ka helay Boqorka dalka Urdun Boqor Cabdalla, waxaana uu qeyb ka noqonayaa 22 Hogaamiye oo ka hadlayo xaaladda wadamada carabta.

Qoraal Madaxweyne Farmaajo uu soo dhigay bartiisa Twitterka wuxu ku sheegay inuu aad uga maqsuud yahay ka qayb galka shirkan.

Waa safarkii 3-aad oo Madaxweyne Farmaajo ku aado dalka dibadiisa tan iyo calaama-saarkisia 22-kii bishii lasoo dhaafay, ee February.

Xogyahaha Guud ee QM Antonio Guterres ooo horaanta bishan booqasho ku yimid Somalia ayaa ka qeybgaly Shirka, waxaana la filayaa inuu ka codsado Madaxda carabta inay wax ka qabtaan xaaladda abaarta Somalia.

Arrimaha sida aadka ah diirada loogu saari doono shirkaasi waxaa kamid ah; colaadda u dhaxaysa Falastiin iyo Israel, waxaana ay dib usoo celin doonaan heshiiskii Nabada Bariga dhexe oo 2002 lagu gaarey dalka Lebanon.

Madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa ka jooga shirka, wuxuuna ugu baaqay dowladaha carabta in Israel laga saaro deegaanada ay xooga ku qabsatay 1967.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM

Ciidamo Mareykan ah oo Gaaray Waqooyiga Nigeria

Toddobaadkii dhammaadkiisii hore, rag hubeysan oo watay mootooyin ayaa weera…

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 07:44AM